Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Madaxweynaha Konfur galbeed oo kulan ku yeeshay Magaalada Baydhabo.

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Madaxweynaha Konfur galbeed oo kulan ku yeeshay Magaalada Baydhabo.

24/04/2019 Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) ayaa soo gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta kumeelgaarka ah ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo ay garoonka diyaaradaha ay ku soo  dhaweeyeen masuuliyiinka kala duwan oo ka tirsan maamulka koonfur galbeed Soomaaliya

Guddiga wax uu la kulmay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed  mudane, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, waxayna kala  hadleen buuxinta kuraasta ka bannaan golaha shacabka Soomaaliyeed ee deegaan doorashadoodu tahay Konfur Galbeed, 

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka marwo Xaliimo Ismaaciil oo kulanka aya la qaateen madaxweynaha kadib waxay saxaafada u sheegtay in Guddigu ay madaxweynaha oga warbixiyeen heerka diyaargarowga doorashada boos-buuxinta saddex kursi oo ka bannan Golaha shacabka. Waxaa dhinaca kale kullanla looga hadlay hawlaha diyaargarowga doorashada 2020ka ee Guddigu ku hawlanyahay. Ergooyinka loo soo xulay inas soo doortaan xildhibaanada buuxinaya kuraasta bannaan ayaa waxa Guddigu saaka u qabtay tababar lagu barayay habka codbixinta, habraacyada doorashada iyo ashaxa doorashada.

Maalinimada Sabtida ah  ayaa lagu wadaa in doorashada buuxinta kuraasta bannan ay qabsoonto sida ay xaqiijiyay Guddiga Doorashooyinka.