Guddoomiyaha GMDQ Xaliimo Ismaciil Ibraahim (Xaliimoyareey) ayaa Maanta uga warbaxisay Golaha shacabka ee Barlaamanka Soomaaliya heerka ay marayaan hawlaha u diyaar garawga Doorashooyinka dalka ee sanadka 2020 iyo qorshayaasha u dagansan GMDQ.
Guddiga oo ka ambaqaaday qorshahiisa mudada 5sano ee soo socto ayaa golaha uga warbixiyay waxyaabahii uu qabsoomaay guddiga 4tii bilood ee la soo dhaafay, horumarka uu guddiga ku tilaabsaday muddadaas iyo howlaha waaweyn ee horyaalla iyo arrimaha u baahan wax ka qabadka dag daga ah. Guddoomiye Xaliimo ayaa xildhibaannada ka hor aqrisay warbixin kooban iyadoo sidoo kale warbixinta oo qoraal ah loo qeybiyay xildhibaannada.
Xildhibaanada Golaha Shacabka Ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale su’aalo ka weydiyaay Guddoomiyaha GMDQ warbixinta ay soo gudbisay iyo guud ahaan hawlaha guddigu uu wado.
Sharciga lagu dhisay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka qodobkiisa 23aad ayaa Guddiga ku waajibinaya inay golaha shacabka BFS ay warbixin u gudbiyaan afartii biloodba mar.