Sabti – Khamiis: 8:00s – 3:00g | Jimcaha: fasax
+252 612 868 294

Shir ku saabsan heerka diyaargaroowga doorashada oo M/Muqdisho ku qabsoomey

Shir ku saabsan heerka diyaargaroowga doorashada oo M/Muqdisho ku qabsoomey

Guddiga Madaxa Bannan ee Doorashooyinka Qaranka  iyo Hay’adaha caalamiga ee ka shaqeeya arrimaha doorashooyinka ayaa maanta 15/04/2019 shir ay yeeshaan waxaa looga wadahadlay heerka diyaargarowga doorashada 2020.    Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannan ee Doorashooyinka Qaranka Xalimo Ismacil oo shirka furtay ayaa ka warbixisay hawlihii muhiimka ahaa ee u qabsoonay Guddiga saddexdii bilood ee la soo dhaafay, sidoo kale waxay ka warbixisay hawlaha kale ee horyalla sanadka 2019 iyadoo tilmaantay in sanadkaan uu yahay sanad ay tahay shaqo baaxad leh la qabto si waqtiga looga faaiideeyo. Waxaa kale oo shirkan diirada lagu saarey arrimaha ay ka mid yihiin Wacyigalinta dadweynaha, diiwaangalinta codbixiyaha, iyo diyaarinta shuruucda dhiman ee hagaya Doorashada.