Sabti – Khamiis: 8:00s – 3:00g | Jimcaha: fasax
+252 612 868 294

Xildhibaan Cadnaan Cismaan Cilmi Boqorre oo shahaadada xildhibaannimo la guddoonsiiyay

Xildhibaan Cadnaan Cismaan Cilmi Boqorre oo shahaadada xildhibaannimo la guddoonsiiyay

Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 4/04/2019 xarunta Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka ee Muqdiaho lagu gudoonsiiyey shahaadada xildhibaannimo ee Golaha shacabka, xildhibaan Cadnaan Cusman Cilmi Boqore oo ku guuleystey tartanka kursi ka bannaanaa golaha shacabka ee deegaan doorashadiisu ay tahay Gobolka Owdal, laguna qabtey xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho 2dii bisha Abriil 2019.

Xildhibaan Cadnaan Cusman ayaa ku guuleestey cod dhan 48 cod , halka musharaxa la tartamaayey Axmed Cisman Xaashi uu helay 2 cod, hal cod na uu xumaadey, wadarta ergada codeysay ayaa aheyd 51.

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa horey u qabtey 7 doorasho oo lagu buuxinaayay kuraas ka banaaneyd Golaha shacabka BFS.
Guddiga ayaa waxaa u qorsheysan buuxinta 3 kursi oo kale oo ka bannaan golaha shacabka Soomaaliya