Tababar kor loogu qaadayey aqoonta iyo wacyiga dhalinyarada ee doorashooyinka 2020, isla markaana socdey mudo labo maalmood ah ayaa ku soo gabagaboobey magaalada Muqdisho taariikhdu markey aheyd 13-02-2018.
Inta uu socdey wacyigelinta doorashooyinka waxaa ka qeyb qaatey ilaa iyo 100 dhalinyaro ee ka kala yimid qeybaha kala duwan ee bulshada sida dhalinyarada, haweenka, aqoonyahano iyo xisbiyada siyaasada ee sida ku meelgaarka ah loo diiwaangeliyey.
Waxaa ku sugnaa goobta uu ka socdo wacyigelinta doorashooyinka qaar ka mid ah madaxda xubnaha guddiga, sida Eng. Maxamed Axmed Nuur, Khadiijo Cosoble Cali iyo Xuseen Cabdi Aadan
Waxay qaateen ka qeyb galayaasha wacyigelinta cashiro ku saabsan doorashooyinka iyo waajibaakooda ka qeybqaadashada doorashooyinka 2020.
waxaana xusid mudan in ka qeybgalayaasha ay mid mid u weydiinaayeen suaalo, iyo fikradaha ay ka qabeen kala duwanaashaha guddiyadii doorashooyinka 2016 ee soo xuley xidhibaanada Soomaaliyeed iyo Guddiga Madaxbannaan Ee doorashooyinka Qaranka ? suurata galnimada qabsoomida doorasho cod iyo qof iyadoo dalka amni ahaan uu hagaagsaneyn iyo kuwa kale?
Khadiijo Cosoble Cali oo ka mid ah xubnaha guddiga ayaa si cad ugu sharaxdey una jawaabtey suaalaha ka qeyb galayaalka, waxay sheegtey marwo Khadiijo cosoble, in Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka uu u taagan yahay qabashada doorasho cod iyo qof 2020, uusan masuul ka aheyn doorashooyinka ka dhacey gobolada dalka ee lagu doortey madaxda maamul goboleedyada iyo xildhibaanada Qaranka.
Wacyigelinta Doorashooyinka waxaa uu socon doonaa ilaa iyo inta dalka ka qabsoomaan doorasho cod iyo qof, ah na xor xalaal. Guddigana waxaa ka goan in bulshada qeybaheeda kala duwan ay wada gaarsiiso wacyigelinta doorashooyinka, maadaama dalka uu ugu dambeeyey nidaam doorasho mudo 50 sano ka hor.