Sabti – Khamiis: 8:00s – 3:00g | Jimcaha: fasax
+252 616 385 278

GMDQ oo Baydhabo ku qaybtay aqoon isweydaarsi ku saabsan doorka haweenka ee siyaasadda.

GMDQ oo Baydhabo ku qaybtay aqoon isweydaarsi ku saabsan doorka haweenka ee siyaasadda.

20ka Jannaayo 2018, waxaa Baydhabo lagu qabtay aqoon isweydaarsi uu soo agaasimay GMDQ oo ay ka qeyb-galaan haweenka Baydhabo. Aqoon-is-weydaarsigan waxa uu ku saabsanyahay sare u qaadidda doorka haweenka ee siyaasadda.


Aqoon-is-weydaarsiga waxaa si rasmi ah u furay wasiiradda Haweenka ee dowlad goboleedka KGS iyo guddoomiyaha GMDQ marwo Xaliimo Ismaaciil. Haweenkii ka qeyb-galay aqoon-is-weydaarsigan waxa ay ka hadleen oo si qota dheer uga doodeen caqabadaha ku hor gudban haweenka Soomaaliyeed ee la xiriira ka qeyb-galka siyaasadda iyo hoggaanka dalka.


Ka qeyb-galayaashu waxa ay sidoo kale soo bandhigeen rajada ay ka qabaan in geeddi-socodka doorashooyinka ee GMDQ uu horseedka ka yahay uu haweenka Soomaaliyeed u furo fursado hor leh oo ay uga qeyb galaan siyaasadda iyo maamulka dalka.