Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Heshiiska doorasho ee lagu gaaray shirkii Golaha Amniga ee Baydhab

Mabaadii’da Aasaasiga ah ee Hab Doorashada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya 2020:

1. Nooca doorosho iyo degaan doorasho uu dalku qadanayo waa in ay noqdaan kuwo suuro
galin kara in ay dad weynuhu codkooda si xor ah (qof iyo cod) oo dimoqoraadi ah u
dhiibtaan.
2. Nooca doorasho waa in uu ahaado mid tixgalinaya xaaladaha amni, dhaqaale iyo isku
dheelitirnaanta is metelaadda siyaasadeed.
3. In nooca doorasho uu yahay mid dhiirigelinaya nidaamka siyaasadeed ee xisbiyada badan,
kuna salaysan nidaam dimuqraadi ah oo tixgelinaya is matalaada isu dheelitiran.
4. In nooca doorasho uu yahay mid xaqiijinaya hannaan lagu ilaalin karo metelaada dadka
laga tirada badan yahay iyo haweenka.
5. Nooca doorasho waa in uu ahaado mid dhiirigelinaya nidaamka siyaasadeed ee xisbiyada
badan, kuna salaysan nidaam dimuqraadi ah oo tixgelinaya isu dheelitirnaanta kuraasta
beelaha.
6. Nooca doorasho waa in uu ahaado mid xaqiijinaya hannaan lagu ilaalin karo metelaada
dadka laga tirada badan yahay iyo haweenka.
7. Nooca doorasho waa in uu ahaado mid horumarinaya wadajirka bulshada iyo
muqadasnimada midnimada Soomaaliya.
8. Nooca doorasho waa in uu yahay mid kalsooni gelinaya dadka Soomaaliyeed in
danahooda ay si habboon u matalaan wakiilo ay ayaga u soo doorteen.

Goluhu asagoo ka ambaqadaya mabaadii’da kor kuxusan wuxuu ku heshiiyay go’aanadan:

Qodobaka 1aad Habka doorashada dalku wuxuu noqonayaa nidaamka Matelaadda Isu
Dheelitiran ee nooca Liiska Xiran (Proportional Representation –Closed
List).

Qodobaka 2aad Dad waynaha Soomaliyeed ee xaqa u leh inay codkooda dhiibtaan waa in
la diiwaan geliyo lana xaqiijiyo in ay codkooda u dhiibtaan si xor ah.

Qodobaka 3aad Doorashadu waxay kadhacaysaa dhamaan dalka oo dhan, meelwalba oo
ay suurtogal ka tahay iyadoo dalku midaysanyahay.

Qodobaka 4aad In qoraalka, iyo ansixinta sharciga doorashooyinka lagu soo dhameeyo ugu
danbayn bisha December 2018.

Qodobka 5aad Waxaa la farayaa haya’daha shaqada ku leh arrimaha doorashooyinka in
ay dhaqangelinta heshiiskan u maraan hannaanka sharciga ee Dalka.

GMDQ waxa uu aad u soo dhoweynayaa heshiiskaan oo ah tallaabo mug leh oo loo qaaday sidii waddanka ay doorasho qof iyo cod ah oo xor iyo xalaal ah uga dhici lahayd waddanka 2020ka.

Kulanka wuxuu ku soo dhamaadey jawi degan oo ay ku wada qanacsanaayeen madaxda ka kala socotey qeybaha kala duwan ee Dowlada Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada.