Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka M.ne Maxamed Mursal; Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa in GMDQ uu warbixin ka dhiibo howlaha guddiga u qabsoomay bililhii la soo dhaafay. Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen guddiga joogtada ah ee barlamaanka, labada guddoomiye ku xigeen ayaa guddigu soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay.
Guddiga ayaa guddoonsiiyay guddoonka warbixin afar bilood la ah oo faahfaahinaysa waxqabadkii guddiga. Waxaa sidoo kale guddigu ka warbixiyay la tashiyadii dadwaynaha iyo talada ay soo jeediyeen. Sidoo kale; daraasad lagu sameeyey nooca diiwaan gelin ee dalkeenna ku habboon. Guddoomiyaha Guddiga Marwa Xalima ayaa uga mahadcelisay guddoomiyaha fursadda uu siiyay iyo dhagaysiga warbixinnada. Waxayna uga warbixisay jadwalka xaddidan ee doorashada iyo arrimaha loo baahan yahay oo ugu horreeyaan dhamaystirka shuruucda doorashooyinka. Maalgelinta doorashada iyo Dhismaha xarunta dhexe ee Guddiga.
Kulanka ayaa waxaa uu ku soo dhamaaday is faham buuxa. Waxaana guddoomiyuhu la wareegay nuqullo ka mid ah:
1. Qorshaha istratijiyada Guddiga.
2. Qaamuuska doorashooyinka.
3. Liiska Xisbiyada loo diiwaangeliyay si ku meel gaar ah.
4. Warbixinta Daraasad laga sameeyey diiwaangelinta.
5. Warbixinta Wadatashiyada dadwaynaha.