Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

GMDQ waxa uu magaalada Muqdisho ka furay shir wadatashi ah oo looga hadlaayo diyaarinta iyo hirgelinta manhajka waxbaridda codbixiyaha

GMDQ waxa uu magaalada Muqdisho ka furay shir wadatashi ah oo looga hadlaayo diyaarinta iyo hirgelinta manhajka waxbaridda codbixiyaha

Maanta oo Sabti ah 9ka Juun GMDQ waxa uu magaalada Muqdisho ka furay shir wadatashi ah oo looga hadlaayo diyaarinta iyo hirgelinta manhajka waxbaridda cod bixiyaha. Kulanka waxaa ka qayb galay xubno ka socda hay’adaha waxbarashada dalka sida jaamacadaha iyo dalladaha waxbarashada, bulshada rayidka, hay’adaha dowladda, dhallinyarada iyo haweenka. Dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa sidoo kale lagu mataly kulanka. Kulanka waxaa sidoo kale ka soo qayb galay si rasmi ahna u furay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Eng. Cabdi Maxamed Sabriye.

Dhammaan ka qayb galayaasha waxa ay xuseen muhiimadda ay leedahay diyaarinta iyo hirgelinta wacyi gelinta cod bixiyaha si dhammaan dadka Soomliyeed loo baro xuquuqdooda iyo waajibaadkooda dhanka doorashada. Shirka ayaa waxa uu socon doonaa 2 cisho.