Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Hagaha Diiwangelinta Xisbiyada Siyaasadeed

Hagaha Diiwangelinta Xisbiyada Siyaasadeed

Tilmaan bixiyahan waa mid soo koobaya shuruudaha diiwaangalinta xisbiyada siyaasadda. Tilmaan-bixiyahan maahan mid utaagan beddelka dastuurka kumeelgaarka ah iyo sharciga xisbiyada siyaasadeed. Dastuurka kumeelgaarka ee Soomaaliya iyo sharciga xisbiyada siyaasadda waxay qeexayaan shuruudo & waajibaad dhameystiran oo laga doonayo xisbiyada isdiiwaangalinaya iyo kuwa diiwaangashan.

Xisbi siyaasadeedka dimoqraadiga ahi waa hay’ad ay ka wada muuqdaan qeybaha kala duwan ee bulshada lehna isla xisaabtan dhab ah, soo bandhigaysa qorsheyaal kala duwan oo siyaasadeed, musharraxiin ka qeybgaleysa doorashooyinka guud, kana qeybqaadaneysa dhismaha xukuumadda ama mid mucaarad ku ah.

Dad ama ururro isu tagay ma noqon karaan xisbi siyaasadeed haddii aaney u diiwaangashaneyn si waafaqsan sharcigan iyo dastuurka qodobkiisa 22-aad. Ururro ama dad isu tagay si ay u abuuraan xisbi siyaasadeed waxay codsan karaan diiwaangelin kumeel-gaar ah.

Soo degso Hagaha Diiwangelinta Xisbiyada Siyaasadeed