Sat – Thurs: 8:00am – 3:00pm | Fri: closed
+252 616 385 278

April 23-25, 2018, GMDQ ayaa ka qayb-galay

kulan aqoon is-weydaarsi ahaa oo ku saabsanaa calaamadeynta xuduudaha goobaha doorashooyinka oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Kulanka ayaa waxaa soo qabanqaabisay Waaxda Arrimaha Siyaasadda ee Guddiga Midowga Afrika waxaana fududaysay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).
Aqoon is-weydaarsiga ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa hay’ado ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen wazaaradda arrimaha gudaha, wazaaradda dastuurka, guddiga xuduudaha, xafiiska raiizul-wazaaraha iyo sidoo kale xafiiska madaxweynaha. 5ta dowladood ee xubnaha ka ah dowladda federallka ayaa sidoo kale kulanka aqoon is-weydaarsiga lagu ma talay.