lagu gudoonsiiyey Shahaadada Xisbinnimo seddax Xisbi siyaasadeed oo soo buuxiyey sharuudaha ka mid noqoshada xisbiyada siyaasadeed Furitaanka xafladda waxaa hadalo soo dhaweyn iyo ujeedada kulanka ka soo jeediyey xubin ka mid ah Guddiga oo lagu magacaabo Xuseen Cabdi Aadan ayaa hoosta ka Xariiqey in kulanka maanta loo fadhiyo uusan aheyn kulankii ugu horeeyey balse kulan kan ka horeeyey lagu gudoonsiiyey Todobo Xisbi siyaasadeed shahaadada aqoonsiga ku meel-gaarka ah ee xisbinnimo.
Wuxuu kaloo sheegay ujeedooyinka ugu waa weyn ee loo diiwaan-geliyey aqoonsigana loo siiyey xisbiyada inay tahay, inay xafiisyo furtaan ayna raadsadaan taageero.wuxuu kaloo kula dardaarmey Mudane Xuseen in Xisbiyada ay ka shaqeeyaan dimuqradiyada iyo horseedka nabadda iyo xasilooni ay hesho Soomaaliya.
Xisbiyada la guddoonsiiyey Sahaadada ku meel gaarka ah waxay kala yihiin, Xisbiga TIIR, Xisbiga WADAJIR iyo Xisbiga SAMU.Waxaa kaloo jira xisbiyo kale oo weli ku jira diyaargarowga hubinta sharciga ka mid noqoshada xisbiyda siyaasadeed.
Dhinaca kale magaca Saddexda Xisbi ee la guddoonsiiyey Shahaadada waxaa ku hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Daahir Guutaale oo sheegay in aysan ahayn shaqo fudud diiwaangelin lagu sameeyo xisbi u baahan inuu noqdo xisbi sharciyeysan, wuxuu kaloo sheegay Kamaal inuu soo marey xisbigiisa marxalado kala duwan oo ku qaadatey mudo 3 bilood ah, isagoona u mahadceliyey guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka dadaal dheer ka dib u suuragelilay inuu ka mid noqdey xisbiga uu madaxda ka yahay xisbiyada helay sharciga ku meel gaar ah.
Kamaal ayaa caddeeyey in aasaasida axsaab siyaasadeed ay ka dhigan tahay in laga gudbey marxaladihii jabhadeynta iyo xagjirnimada.
Ugu dambeyn waxaa xaflada hadlo dhiirrigelin iyo dardaaran isugu jira ka soo jeedisey Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismacil oo sheegtay in aysan sahlaneyn in xisbi la diiwaangeliyo, uuna jirey caqabado badan oo lagala kulmayey intii lagu guda jirey diiwaangelinta xisbi walbo.
Waxaa ay xustay qodobka ah in Xisbi walbo uu ku caddeeyo xaquuqda dadka laga tirada badan yahay iyo haweenka inay ku soo koobi jireen %30, xafiiska Xisbiyadana uu ka diidi jirey, sababtoo ah, hadii dadka laga tirada badan yahay ay la qeybsadaan Koontada %30 kii haweenka, aysan suuragal noqon karin tirsadaan in ay wada daboosho xaqii la rabay in ay wada helaan labadaasi qeybood ee haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay.
Gudoomiyaha ayaa sheegtay in tirada la siiyey shahaadada ku meelgaarka ah ee xisbi ahaanshaha inuu gaarey 10 xisbi, xisbiyo kalana ay weli lagu wado hubintii xeerarkii iyo sharciyadii uu ku heli lahaa shahaaadada.
Dhinaca kale Guddoomiyaha ayaa ka codsatey xisbiyada inay kala shaqeeyaan sharciga doorashada iyo nooca doorasho ee la doonaayo in dalka uu ka dhaqan galo sanadka 2020-ka.
Waxayna yidadiilo wanaagsan ka muujisey gudoomiye Xaliimo Yareey in dalka ay ka dhici doonto doorasho hal cod iyo hal qof ah 2020 ka, iyadoo cadeymo u soo qaadatey kulamo dad gaaraayo in kabadan 6000 (lixkun) oo qof Soomaali ah ay la soo yeesheen wadatashiyo ku aadan qabsoomida dooorasho xor iyo xalaal ah, kuwaasoo ay ka heleen guddigu in baahi loo qabo in dalka ay ka dhacdo doorasho hal cod iyo hal qof ah.