Sat – Thurs: 8:00am – 3:00pm | Fri: closed
+252 616 385 278

Mid ka mid ah kuraastii ka bannaanaa Golaha Shacabka oo loo tartamey.

Waxaa galabta oo taariikhdu tahay 26ka Febraayo, 2018 si wanaagsan uga qabsoomay Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliyeed doorashadii kursi buuxinta jufada Habar cirfan ee beesba Gudibiirse ku lahaayeen Golaha Shacabka Soomaaliyeed. Waxaa ku guuleystay Murashax Xildhibaan Faatix Saciid Xasan oo helay aqlabiyad cod dhan 32 cod. Halka murashixii la tartamayey Murashax Xildhibaan, Cabduraxmaan Axmed Ceynaan uu helay (5) shan cod Codad gaaraya ilaa afar codna (4 cod) wey xumaadeen. Tirada guud ee ergada codeysay waa 41.