Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

KULANKA WAX-GARADKA GALMUDUG- Galkacyo

Kulamadii wadatashiyada ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay Febrayo 5tii laga daahfuray magaalada Galkacyo, Maamulka Galmudug. Kulamadan oo looga arrinsanayo sidii waddanka lagu gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod ah 2020ka ayaa waxaa ka soo qayb-galay wax-garadka magaalada oo isugu jira odayaasha dhaqanka, culimada diinta, aqoonyahannada, ganacsatada iyo siyaasiyiinta. Kulankaan waxaa fadhiyay si rasmi ahna u furay duqa degmada Gaalkacyo-Galmudug, Mudane Xirsi Yuusuf Barre. Sidoo kale waxaa kulankaan wadatashiga ah ka qayb-galay guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee Galmudug Mudane Axmad Maxamed Shire iyo madaxweynihii hore ee Galmudug Mudane Maxamad Axmad Caalin.
Wax-garadku inta aysan soo gudbin talooyinkooda ku aaddan doorashooyinka 2020ka waxaa warbixin kooban siiyay guddoomiye ku-xigeenka guddiga doorashooyinka qaranka mudane SayidCali Sheekh Maxamad. Guddoomiye ku xigeenku waxa uu wax-garadka la wadaagay warbixin taabaneysay arrimo badan oo ay ka mid yihiin u jeeddooyinka iyo safarrada wada-tashiyada iyo sidoo kale sida looga faaiideysan doono talooyinka dadweynuhu ay soo gudbiyaan.
Wax-garadkii kulanka fadhiyay ayaa soo gudbiyay talooyin iyo fikrado fara badan oo qeyb weyn ka qaadan kara ka guul-gaaridda geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo cod ee loo madlanyahay 2020ka.