Feb 3dii, 2018. Kulankan oo ay kasoo qayb galeen qaybaha kala duwan ee haweenka Galkacyo:
• Wasiiradii Hore Marwo: Caasho Geele
• Isuduwaha Wasaarada Haweenka.
• Gudoomiyaha Ardayda Jaamacadaha Galkacyo
• Madaxda Ururada Haweenka
• Aqoonyahanada Haweenka
ayaa waxaa erayo kooban ka yiri Wasiiraddii hore ee wasaaradda haweenka Puntland Marwo: Caasho Geele oo si aad u usoo dhawaysay Guddiga Doorashooyinka heer Qaran, dhammaan haweenkii kasoo qayb galay kulankana ayay ugu baaqday in haween ahaan aan qayb libaaxle ka qaadano talada xal u helista doorasho qof iyo cod ah oo Guddiga Doorashooyinku ku mashquulsan yahay una soo maray degmooyin badan oo dalka ah.
Waxaa dhamman qaybaha kala duwan ee haweenka aad ugu mahadceliyay G/kuxigeenka Guddiga Doorashooyinka Mudane: Sayid Cali oo xusay in ujeedka Guddigu u yimid una marayo dalka oo dhan uu yahay sidii ay u heli lahaayeen talo wanaagsan oo ay isku raacsan yihiin dadweynaha Soomaaliyeed isla mar ahaantaana in la isla meel dhigo xalal looga gudbi karo caqabadaha ka hor imanka kara hirgalinta doorashada qof iyo cod ee sannadka 2020.
Sidoo kale; Anisa Siciid oo ah Gudomiyaha Ardayda Jaamacadaha ayaa gabdhaha iyo hooyooyinkaba ku dhiirigalisay in maanta dalku cagta saaray wadadii xaqa ahayd loona baahan yahay aqoon iyo awoodba in aan GMDQ aan ku garab istaagno.