Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Kulamadii wadatashiyada ee geedi socodka hirgalinta doorashada

 ee Guddiga Doorashooyinka Qaranku ka wadeen magaalada Boosaaso ayaa maanta oo taariikhdu tahay 28-ka Janaayo 2018, waxaa loo qabtay haweenka gobolka Bari. Kulanka oo lagu qabtay xarunta Gobolka ayaa waxaa daahfuray G/kuxigeenka Gobolka Bari Mudane: Axmed Cali C/lle oo ka soo qayb galayaasha ugu bishaareeyay in maanta kulankan looga arrinsan doono sidii looga guuri lahaa habkii guracnaa ee wax lagu dooran jiray, la rabana in loo gudbo qof iyo cod, sidaas darteed haweenka oo ah qaybta ugu muhiimsan ee bulshada, waxaa looga baahan yahay tabar, taageero iyo xalalkii lagu hirgalin lahaa doorasho qof iyo cod ah oo qabsoonta 2020.
Waxa si wanaagsan ujeedada kulanka u dulmaray G/kuxigeenka Guddiga Doorashooyinka Mudane: Sayid Cali Sh. Maxamed oo xusay dhamman degmooyinkii la soo maray iyo muhiimada wadatashiyada oo ah in ay ummada Soomaaliyeed tashadaan iskuna tashadaan, kana wada shaqeeyaan guddiga iyo bulshadu sidii ay u hirgalin lahaayeen doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020.
Waxaa si wadajir ah khudbado soo dhaweyn ah u soo jeediyay mas’uuliyiinta haweenka gobolka Bari oo ay kamid ahaayeen gudoomiyaha haweenka gobolka Bari Marwo: Maryan Guduudo, iyo isku duwaha wasaarada haweenka ee gobolka Bari Ayaan Nuur Muuse oo guddiga u balan qaaday in ay la shaqaynayaan tabar iyo talana diyaar la yihiin bulshadana ay gaarsiin doonaan farriinta doorasho qof iyo cod ah