Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

27-ka Jannaayo 2018 Kulamadii wadatashiyada dadweynaha ee geedi socodka hirgalinta doorashooyinka qof iyo cod ayaa maanta ka furmay Magaalada Boosaaso.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Waxgaradka, Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada Magaalada waxaana kulanka si wada jir ah u daahfuray G/kuxigenka Gobalka Mudane: Axmed Cali C/lle iyo G/kuxigenka Degmada Bosaaso Mudane: Siciid Cabdi C/raxmaan oo si wanaagsan guddiga ugu soo dhaweeyay magaalada isla mar ahaantaana ugu baaqay mas’uuliyiinta ka soo qayb galay shirka in guddigu u yimid wadatashi ku aadan xal u helida caqabadaha ka hor imaankara hirgalinta doorashooyinka qof iyo cod ee 2020.
Sidoo kale G/kuxigeenka guddiga ayaa u sheegay in wadatashiyadaan horay loogu soo qabtay 22 Degmo oo dalka ah maalmihii u danbeeyayna uu guddigu ku sugnaa magaalooyinka Garoowe iyo Qardho hadana maanta aan rabno waxgaradka iyo aqoonyahada taladooda, si aan uga gudubno dhibaatada doorasho la’aaneed ee haraysay dalkeena.
Intaas kadib ka soo qaybgalayaasha ayaa aad u soo dhaweeyay ugana mahadceliyay Guddiga Doorashooyinka howlihii wadatashi ee Dalka  ku soo mareen.