Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Kulankii Haweenka Qardho

Waxaa si toos ah maanta uga furaymay Magaalada Qardho kulanadii wadatashiyada ee hannaanka hirgalinta doorashooyinka qof iyo cod ee 2020. Kulankaan oo ahaa mid gaar u ah Haweenka Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed, oo ay ka soo qayb galeen.
• Gudoomiyaha Gobolka Karkaar
• Gudoomiyaha Degmada
• Gudoomiayah Haweenka Degmada Qardho
• Madaxda Ururada Haweenka
• Aqoonyahanada Haweenka
Waxaa kulankaan erayo kooban kayiri Gudoomiyaha Haweenka Marwo: Canbaro Maxamed oo si aad u heersaraysa usoo dhawaysay Guddiga Doorashooyinka heer Qaran, dhammaan haweenkii kasoo qayb galay kulankana ugu baaqday in maskaxda latuujiyo fikiro dhaxalgal ahna lala wadaago Guddiga Doorashooyinka.
Sidoo kale dhamman ka soo qayb galayaasha kulanka ayaa muujiyay fikrado muhiim ah oo tilmaamaya hilinka hirgalinta doorashada qof iyo cod ee sanada 2020.