Waxaa mantay oo ah 24-ka janaayo 2018, laga daahfuray Xarunta Gobolka Karkaar ee Qardho kulamadii taxanaha ahaa ee wadatashiyadii dadwynaha geedi socodka doorashooyinka qof iyo cod, oo guddigu horay ugu soo qabtay Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowlad Goboleedka Puntland.Kulankii Oday dhaqameedka, Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada
Waxaa kulanka si wada jir ah u daahfuray Gudoomiyaha Degmada Qardho iyo Gudomiyaha Gobolka Karkaar mudane: C/laahi Maxamed (Caato) oo si aad u weyn usoo dhaweeyay waftiga Guddiga doorashooyinka oo uu hogaaminayo Mudane: sayid cali waxa uu na bulshada reer qardho ugu baaqay in maanta ay muuqato rajo wanaagsan oo ay cadayn u tahay Guddiga doorashooyinka Qaranka oo horay u bilaabay wadatashiyada Ummada Soomaaliyeed. waxaan farayaa Cuqaasha, Culimada iyo Aqoonyahanada jooga kulankan ee reer Qardho in Guddigu rabo aragtidiina ku aadan sidii aan uga wadatashan lahayn hirgalinta doorasho qof iyo cod ah.
ntaas kadib G/kuxigeenka Guddiga Doorashooyinka Qaranka Mudane Sayid Cali ayaa kaqayb galayaasha kulankan usharaxay wixii Guddigu soo maray oo ku aadanayd wadatashiyada dadweynaha, una sheegay manta in loo bahan yahay Soomaalidu in ay isku tashato dhammaantoodna Ummada Soomaaliyeed laga qayb galiyo wadatashiyada si loo helo dowlad ku timaada qof iyo cod sanada 2020.