Waxaa si toos ah maanta uga furaymay Hoolka shirarka PDRC ee Magaalada Garoowe kulanadii wadatashiyada ee hannaanka hirgalinta doorashooyinka qof iyo cod ee 2020. Kulankaan oo ahaa mid gaar u ah Haweenka Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed, oo ay ka soo qayb galeen.
• Wasiirkii Hore ee Wasaarada Haweenka
• Wasiirad k/xigeenka Wasaarada Duulista iyo Hawada Puntland
• Ururada Dowliga ah ee Haweenka Puntland
• Ururada Maxaligaa ee Haweenka
Waxaa kulankaan erayo kooban kayiri Wasiiradii hore ee Wasaarada Haweenka Marwo: Caasho Geele Diiriye oo ugu horayn soo dhaweysay Guddiga Doorashooyinka heer Qaran kuna tilmaantay in ay yihiin Guddi ay ka go’antahay hore usocodka hirgalinta doorashooyinka qof iyo cod ee sanada 2020. hadii aan nahay Haweenka Soomaaliyeed waxaa nahay madaalayaal u taagan mar walba in ay waxqabtaan wixii dalka iyo dadkaba dan u ah, waxaana diyaar unahay in aan talo iyo tusaalaba idin dul dhigno.
Waxaa sidoo kale hadalo dhiirigalin muujinaya si wada jir ah u sheegay Wasiir K/xigeenka: Wasaarada Duulista iyo Hawada Mss. Sucaad Saalax, iyo Agaasimaha Genderka ee Wasaarada Haweenka Puntland Mss. Luul Jaamac. Oo tilmaamay in ay muhiim utahay ummada soomaaliyeed gaar ahaan haweenka iyo dhallinta oo intii dalku u afduubnaa beelbeel iyo doorashooyin gaar ah aan helin xaqii ay dalka kulahaayeen.
Intaas kadib waxaa kulanka daah furay G/kuxigeenka Guddiga Sayid Cali “ oo xusay in loo baahan yahay iskutashi ka dhex abuurma ummada Soomaaliyeed waana arinta Guddi ahaan aan umarayno dalka oo dhan haweenkuna waa udub dhexaadkii ummada soomaaliyeed waxan u baahanahay aragtidiina ku aadan hirgalinta doorashooyinka qof iyo cod ee 2020 iyo xalka caqabadaha ka hor imaankara doorashada qof iyo cod. Wasiiradii hore ee wasaarada Haweenka Puntland: Caasho Geele Diriye
Aad ayaan usoo dhaweynaynaa Guddigu doorashooyinka Qaranka, hadii aan haweenka nahayna waxaan u taaganahay mar walba shaqooyinka lagu hormarinayo dalka iyo dadkaba sidaas awgeed waxaan diyaar u nahay in aan mar walba fududayno wixii hormar ah oo loo baahan yahay. Wasiir kuxigeen Wasaarada Duulista iyo Hawada: Sucaad Saalax
In ay helaan Haweenku Mar walba kaalintooda
Luul jaamac Nuur: Agaasimaha Genderka ee Wasaarada Haweenka