janaayo 2018, waxaana kulankan lagu casumay qaybaha kala duwan ee Ururada Dhallinyarada iyo Ardayda Jaamacadaha Maagalada Garoowe, kulankaan ayaa ka dhacay Hoolka shirarka ee Hotel New Rays 1.
Waxaa erayo kooban oo mahadnaqad ah kasoo jeediyay kulanka dhallinyarada Gudoomiyaha PUNSA, Mudane: Faysal Axmed Warsame isla mar ahaantaana bogaadiyay Guddiga Doorashooyinka heer Qaran sida ay tixgalin weyn usiinayso dhallinta iyo qayabaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed si loogaaro doorasho qof iyo cod ah sanada 2020.
Intaas kadib waxaa kulanka toos noogu daah furay G/kuxigeenka Guddiga Doorashooyinka heer Qaran, Mudane: Sayid Cali sh. Maxamed “ oo aad ugu mahadceliayay sida ay dhallinyarada usoo ajiibeen kulanka una yimaadeen iyaga oo mug leh, sidoo kale waxa uu xusay in Guddigu soomaray Maamul Goboleedyadii kale iyaga oo Maamul Goboleed kasta ka tagay afar Magaalo, xaqiiqdiina dadku waxa ay ahaayeen kuwo u hamuun qaba qabashada doorashooyinka ee qof iyo cod.
Sidaas darteed waxa loo baahan yahay Caawa ardayda jaamacadaha iyo aqoonyahana hogaaminayay ururada dhallinyarada aan ka helno talooyin dadka iyo dadkaba kasaari kara xaalada uu mudada dheer kusoo jiray Dalku, islamar ahaantaana ugu gudbilaa doorasho qof iyo cod ah sanada 2020.