Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Wadatashiyadii Doorashooyinka qof iyo cod oo ka bilaawanaya Puntland

Wafdi isugu jira Madaxda Guddiga Doorashooyinka iyo Shaqaalaha Guddiga, kuwaas oo uu hogaaminayo G/kuxigeenka Guddiga Doorashooyinka heer qaran Mudane: Sayid Cali Shiikh Maxamed ayaa soo gaaray Caasimada Dowlad Goboleedka Puntland ee Garoowe Jan 18th, 2018.
Guddiga ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey Guddiga Doorashooyinka Kumeelgaarka ah ee Puntland TPEC, Guddoomiyaha dallada ururrada Bulshada iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.
Intaas kadib waxaa Guddigu waxay la kulmeen Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Mudane: C/xakiin Xaaji Camay. Waxayna guddigu uga warramay ujeeddada safarka ay ku yimaadeen Puntland. Gudoomiyuhu guddiga ayaa wuxuu sheegay in ay u yimaadeen wadatashi afar maalmood ah oo ay la yeelan doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada, Madaxda Dawladda, xildhibaanada, haweenka , ganacsatada, dhalinyarada, Odoyaasha dhaqanka ah iyo culumaudiinka.
Ujeeddada kulamadan ayaa waxay salka ku hayaan heshiiskii ay gaareen madaxda qaranka Nov 5, 2017 oo guddiga loogu igmaday in uu dalka oo dhan ka qabto la tashi ballaaran oo ku saabsan sidii dalka oo dhan looga gudbin lahaa nidaamka ragaadiyay ee doorasho la’aanta ah loona gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod sannadka 2020ka.