Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

wadatashiga doorashada 2020 oo ka qabsoomey magaalada Caabudwaaq

Wafdigii ka socda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya oo maalmahan danbe ku sugnaa dolwlad goboleedka Galmudug ayaa waxa uu booqasho shaqo oo qaadatay 2 cisho ku tagay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud. Wafdiga oo isugu jiray xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka qaranka iyo howl-wadeenno ayaa waxaa huggaaminayay guddoomiye ku xigeenka guddiga mudane, SayidCali Sheekh Maxamad. Ujeeddada safarkan ayaa ahayd in dadka Caabudwaaq laga tala geliyo geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo cod ee 2020ka.
Wafdiga guddiga ayaa waxaa soo dhoweeyay maamulka magaalada iyo xubno ka tirsan golaha waziirrada ee maamulka Galmudug.
Inta uu wafdiga guddigu ku sugnaa Caabudwaaq waxa uu kulama gaar-gaar ah la galay qaybaha kala duwan ee bulshaa sida siyaasiyiinta, waziirro, xildhibaanno, maamulka degmada, odayaasha dhaqanka, culimada diinta, haweenka iyo dhallinyarada.
Dadka reer Caabudwaaq waxa ay wafdiga u soo dhoweeyeen si xammaasadi ku dheehantahay waxayna si ballaaran uga qeyb qaateen kulamadii wadatashayada ahaa ee guddigu uu ku qabtay Caabudwaaq.
Wadatashayadii guddigu uu ka waday Caabudwaaq waxaa si wadajir ah u soo xiray af-hayeenka baarlamaanka Galmudug iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug. Labada mas’uul waxay aad ula dhaceen una bogaadiyeen howsha baaxadda leh ee guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranku uu ka wado waddanka. Waxay kula dardarmeen guddiga in uusan niyad jebin kuna tashadaan in shacabka Soomaaliyeed ay wax-qabad weyn uga fadhiyaan. Waxa uu madaxweyne ku xigeenku guddiga u ballanqaaday in maamulka Galmudug uu la shaqeyn doono.
Ugu danbeyntii guddoomiye ku xigeenka guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka mudane SayidCali Sheekh Maxamad ayaa madaxweyne ku xigeenka iyo af-hayeenka baarlamaankaba kiiba guddoonsiiyay buugga qorshaha istaraatijiyadeed ee guddiga iyo buugga sharciga xizbiyada.