Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ku qabtay Magaalada Guriceel Shirkii wadatashi Doorasho Qof iyo Cod ee 2020

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo gaarey magaalada Guriceel ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Guddiga ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha magaalada, Odoyaasha Dhaqanka, Dadweynaha reer Guriceel oo isugu jira Ururada Bulshada, Dhallinyarada iyo Haweenka.
Waxaa Wafdiga Guddiga Doorashooyinka oo ay hogaaminayso Gudoomiyaha Guddiga Marwo; Xaliimo Ismaaciil Ibraahim loo kaxeeyay hoolka shirarka ee airport-ga Guriceel si ay dadweynaha ula hadasho. Waxaa halkaas hadalo soo dhaweyn ah ku soo jeediyay, dhamman qaybaha kala duwan ee bulshada reer Guriceel, waxaana ugu horayn kalmado soo dhaweyn ah yiri Gudoomiyaha Magaalada Guriceel Mudane C/laahi Maxamed Barre” Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan maanta ku soo dhaweyno Guriceel Guddiga Doorshooyinka heer Qaran oo ay hogaaminayso Marwo Xalimo Yarey soo dhawaada waa gurigiinii hooyo oo nabad ah waxaana Guddiga ka rajaynaynaa xilkaan culus oo loo dhiibay ay u gutaan si ummada soomaaliyeed isku keenta hadaanahay reer guriceelna waxaan unahay diyaar in aan talo iyo tabarba wixii aad u baahataan in aan idinku garab istaagno.
Sidoo kale waxa kalmado lasiiyay Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Marwo: Xaliimo Ismaaciil Ibrahin iyo Commisioner Maxamed Daahir oo labadaba xusay in safarka uu guddigu maanta kuyimid Guriceel uu kamid yahay safaradii taxanaha ahaa ee Guddigu ku marayay dhammaan Dalka soomaaliyeed oo dhan ujeedkiisuna ahaa in ummada soomaaliyeed lala sameeyo latashi ku aadan sidii dalka looga hirgalin lahaa doorasho qof iyo cod ee 2020.
Waxaa galabta uu guddigu shir wadatashi ah laqaatay odoyaasha dhaqanka, Maamulka Magaalada, siyaasiyiinta iyo Waxgaradka, kulankaas oo lagu lafo guray hannaankii loo mari lahaa doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka qabsoonto sanadka 2020.