Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Ardeyda wax ka barata jaamacadaha ku yaal magaalada Jowhar ee dowlad goboleedka Hirshabeele ayaa ka qeyb qaatey kulanka wadatashiga doorashooyinka 2020.

Areydu waxay si heer sare leh uga qeyb qaateyn dooda ah, Somaliya doorasho kama dhici karaa 2020? Iyo hadii ay ku yimaadaan caqabado qabsoomida doorashada sida looga gudbi karo?
Xamdi Abuukar Xasan oo ka mid aheyd ardeyda jaamacadaha wax ka barta ee magaalada Jowhar ayaa tilmaamtey in hadii dalka laga fuliyo dib u heshiisiin in wax badan ay hagaagi karaan, , shacabkana laga xoreeyo nidaamka ay dad badan aaminsan yihiin ee ah 4.5,loona gudbo nidaamka xisbiyada badan,waxayna Xamdi soo jeedisey codsiga ah in wasaarada dastuurka ay dhameystirto qabyo qoraalada dastuurka Soomaaliya in dalka uu ku talaabsado horumar sharcigeedana uu dhameystiran yahay.
Ismacil Geedi oo isagana ka soo jeediyey fekerkiisa goobta ayaa ku amaaney Guddiga howlaha ay ummadooda u haayaan, wuxuuna kana codsadey ardeyda iyo hayadaha kale in taageero weyn la siiyo, si ay wax badan u qabtaan..
Zamzam Aadan ayaa iyadana soo jeedisey feekrkeeda ayaa tiri, waa in la adkeeyaa ammniga oo ah aasaaska nolosha bulshada, shacabkana loo qabto siminaaro si wacyigooda aqooneed kor loogu qaado.
Ardeyda qaarkood ayaaa aad ula dhacsanaa barnaamikaan wadatashiga doorashada 2020-ka, waxayna soo jeediyeen dhowr su’aalood oo ku saabsan, sida loo sameyn karo tirakoob dadka oo dhan iyo habka ugu fudud ee ammniga dalka loo sugi karo?
Khadiijo cosoble Cali oo ka mid ah xubnaha Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaaa sharaxaad uga bixisey arrimaha tirakoobka oo ay ardeydu su’aaleen Guddiga waxayna tiri. “Tirakoobka loo bahaan yahay hadii la waayo muhiim maahan, doorasho waa dhici kartaa oo dalal badan ayey doorasho ka soo dhaceen iyagoo aan la diiwaangelinin, xaalada ay ku jireena waa ka Qatar sameyd xaalada aan annaga ku jirno, hadii aadan u istagina dhalinyartiina doorasho cadaalad oo daacad ah weligiina amni ma heleysaan, waxbana idiima suuroobaayaan oo waxaa ahaaneysaan dad weligood ka sugna waxooda dad aan shaqo ku laheyn.”
Sidoo kale dhanka amniga iyo habka looga gudbi karo nidaamka 4.5 oo ahaa su’aalaha ardeyda ay weydiiyeen Guddiga waxaa uga jawaabtey Gudoomiyaha Gudiga Xaliimo Ismacil Ibrahim, waxayna Xaliimo sheegtey in aan markooda horaba lagala tashan qaadashada 4.5, waxayna ardeyda u sheegtey ka Guddiga ahaan waxa ku kalifey inay u yimaadaan shacabka ku nool Gobolada dalka oo ay kala yeesheen wadatashiga ay uga weyn tahay inay talo ku yeelaashaan aayaha dalkooda iyo ka qeybqaadashada dhisida doorashada qof iyo cod ee lagu wado inuu dalka ka dhaco sanadka 2020-ka. “xamar waa joogney wax walbo go’aan waa ka gaari laheyn , laakiin idinkoo aadan tashigaan waxba kala socon in go’aan la gaaro ma dooneyno, ardeydu waa ubad dhexaadka bulshada, waxaa nilaga rabaa in aad qorsho degsataan oo aad qorsheysataan dhaqaalaha idinka soo galaayo xoolaha iyo beeraha oo aad ku xisaabtantaan jeebkiisa waxa ku jira, Jowhar waa dhul barwaaqo ah meel fiican ayey ku taalaa , hadii aysan amniga dhalinyarada ka qeybqaadan weligiina amni heli meysiin asaagiinana ma gaari doontaan” dhinaca kale Guddoomiyaha Gudiga ayaa u sheegtey habka loo diiwaangeliyo xisbiyada ardeyda jaamacadaha ee looga baahan yahay dhalinyarada inay doorkooda siyaasada qaataan oo ay ka mid noqdaan xisbiyada siyaasadeed ee sameysmaayo, waxayna u sheegtey sida ay u sameysmaan xisbiyada siyaasadeed waxayna tiri “ labo nooc ayaa loo diiwaangeliyaa xisbiyada, bilowga hore waa ku meel gaar waxaana laga rabaa in ay gobolada dalka ay xafiisyo ku yeeshaan, toban kun (10.000) oo qofoodna ay ka mid noqdaan xisbi walbo”,
Ardeyda jaamacadaha ee ka qeyb qaatey wadatashiga doorashada 2020 oo ay fulinteedu laheyd GMDQ ayaa u qabsoomey si heer sare ah, Ardeyduna waxay muujiyeen niyad wanaag iyo rajo hor leh, iyagoo u balanqaadey Guddiga inay kala shaqeyn doonaan qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah 2020.