kulanka waxaa ka soo qeybgaley Gudoomiyaha Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) waxay kulamo gaar gaar ah la yeesheen Haweenka, ganacsatada iyo aqoonyahanada ku nool Magaalada Jowhar ee dowlad goboleedka Hirshabeel, kulanka waxaa uu ahaa ujeedkiisa sidii dadweynaha lagala tashan lahaa her galida doorashooyinka 2020 qof iyo cod ee la rabo in lagu dhiso dowlada tan ku xigta.
Waxaa hadalka furay Guddoomiyaha GMDQ Xaliima Ismaaciil waxayna ka hadashay ujeedka ay u joogaan Jowhar, waxayna kusoo dhawaysay Guddoomiyaha Gobolka Hirshabeele Axmed Meyre Makraraan, Guddoomiye Makaraan wuxuu sheegay inay horey u soo dhaweyeen imaatinka GMDQ ujeedka ay u socdaan ee ah doorashada qof iyo cod ka inay tahay arin horumar u keenaysa dalka oo dhan gaar ahaan maamul goboleedka Hirshabeele ayna ogol yihiin inay qab soomaan doorashooyinka 2020.
Lataliyaha xaga aqoonta ee GMDQ C/rasaaq Bashiir ayaa sharaxaad dheer wuxuu ka bixiyey barnaamijka wada tashiga, ay ka mid ahaayeen Maxay tahay doorasho, faaidada ay u leedahay bulshada iyo waajibaadka iyo xuquuqda dawaynaha, tiirarka doorashada.
Fahamka dadweyaha ka dib, waxaa leys weydaarsatey dood iyo su’aalo kala duwan, dadka qaar ayaa qabey in dalka ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod, halka dadka kalana ay qabaan inay adag tahay inuu dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod, maadaama dalka qeybo badan ay ka taliyaan maleeshiyaadka Alshabaab, amni xumida darteedna aysan suuragal aheyn in sanduuqyo la soo dhigo dadkuna ay u dareersadaan bixinta cododkooda.
Aadan Cadow Gaabow oo ka mid ahaa dadkii ka qeybqaatey wadatashiga doorashada cod iyo qof ayaa sheegay in doorashii ugu horeysay ee ka dhaca dalka inuu goobjoog u ahaa, doorashadii dadbanaa ee 135 oday ee lahaayeen xulashada xildhibaanka baarlamaankana uu soo joogey, hadana uu aad u rajeynaayo inuu goobjoog u ahaado doorashada cod iyo qof 2020, wuxuuna talo ku soo jeediyey in laga shaqeeyo dib u heshiin ka dhalata dalka Soomaaliya, in Amniga oo ah aasaaska wax walbo oo la qaban lahaa iyadana in kaalin weyn laga qaato, si dadweynaha ay u helaan xasilooni siyaasadeed codkooda ay si xor iyo xalaal ah ku dhiibtaan,wuxuu kaloo Aadan tilmaamey in cadaalada ay tahay muhiim ayna wanaagsan tahay in laga wada shaqeeyo si dadku ay u helaan cadaalad iyo sinnaan.
Aadan Muuse Absuge Cusmaan oo ka mid ah ganacsatada ku sugan magaalada Jowhar ayaa sheegay in doorashada qof iyo cod ay ka dhici karto in la helo amni,iyo xasilooni siyaasadeed
Waxaan ahey dhalinyarada xalinta khilaafaadka ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, suaasha ah doorasho qof iyo cod ma dhici kartaa, jawaabteydu waa haa, wey dhici kartaa doorasho. Dhanka kale haweenkii ka qeybqaatey kulanka wadatashiga ayaa sheegay in ka haween ahaan ay yihiin haween baahi weyn u qaba in dalka uu ka dhaco doorasho qof iyo cod ah, waxayna sheegeyn inay muhiim u tahay ummada Soomaaliyeed sidii ay codkooda ku soo dooran lahaayeen hogaan u qalma horumarka dalka iyo dadka, waxay kaloo haweenkaasi sheegeyn inay u istaagi doonaan ka qeybqaadashada qabsoomida qof iyo cod ah si loo helo doorasho xalaal iyo xor ah.