Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Madaxda  maamul goboleedka Hirshabelle iyo Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo yeeshay wadatashiga doorashada 2020

2- January -2018 waxa uu Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ay hogaaminayso Gudoomiyaha Guddiga Marwo Xaliimo Ibraahin Ismacil , waxaa ay la kulmeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeele iyo Golohiisa wasiirada, ugu horayn waxaa madasha kulanku ka dhacay kusoo dhaweeyay Guddiga, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeele  Maxamed Cabdi Waare oo si aad uwanaagsan usoo dhaweeyay Guddiga uguna mahadceliyay howsha adag ee uu Guddigu u hayo ummada Soomaaliyeed. Intaas kadib waxaa lagu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Guddiga  Xaliimo Ismaaciil, oo sheegtay ujeedka Safarkan ay Guddigu ku yimaadeen Dowlad Goboleedka Hirshabeele, waxa ayna xustay. In ay jiraan kulamo taxane ah oo mudooyinkaan ay  kawadeen  Dowlad Goboleedyada, oo mid walba ay la kulmeen   Qaybaha kala duwan ee Bulshada, Dowlad Goboleed walbana waxa ay  Booqadeen todobo  Magaalo oo ay Guddiga  ka sameeyeen  la tashiyo ku aadan hirgallinta Doorashooyinka qof iyo cod ee 2020.
Arintaan ayaana ah mid kasoo baxday shirkii ay Muqdsiho ku yeesheen Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Madaxda Dowlada Federalka taas oo ahayd in 90 cisho bulshada Soomaaliyeed lala sameeyo latashiyo ku aadan qabashada ama hirgalinta Doorashooyinka qof iyo cod ee 2020.
Intaas kadib waxaa wasiiradii iyo Golihii Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeele loo soo jeediyay xog ku aadan qodobada hoos ku xusan oo uu fududeeyay lataliye C/risaaq Bashiir oo kamid ah fududeeyaha barnaamijkani.
1. Waa maxay doorasho?
2. Marxaladihii Dalku soo maray
3. Faa’iidooyinka doorashadu inoo leedahay
4. Xuquuqda iyo waajibaadka Muwaadinka
5. Tiirarka aasaaska u ah hirgalinta doorashooyinka
Intaas kadib waxaa aragtiyo ku aadan qabsoomida howshaan xusay wasiirka wasaarada Dowlad Goboleedka Hirshabeele Mudane Maxamed Cali Caadle oo sheegay in ay arintaan tahay wadada kaliya ee lagu samato bixin karo ummada Soomaaliyeed, loona baahan yahay siyaasiyiin ahaan iyo Mas’uuliyiin ahaan in aan ka qayb qaadano sidii aan Guddiga uga caawin lahayn hirgalinta Doorashada qof iyo cod ee 2020.
Sidoo kale dhamman wasiirada iyo qayb kamid ah Xubhanaha Golaha shacabka Dowlad Goboleedka Hirshabeele ayaa iyaguna dhankooda soo dhaweeyay u kala dardaarmay Guddiga in uu howshaan badiyo kulamadeeda iyo wacyigalinteeda gaar ahaan bulshada qaybaheeda kala duwan, waayo bulshadu waxa ay u baahan tahay waxbarid ku aadan doorashooyinka iyo ka qayb galka horumarka dalkooda.
Dhanka kale aad ayay Commissioner  Khadiijo Cosoble iyo Gudoomiyaha Guddiga uga mahadceliyeen soo dhaweynta iyo talooyinka wax ku oolka ah ee ay mas’uuliyiintu bixiyeen. Intaas kadibna waxaa shirka soo xiray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare.