Wafdiga oo ka kooban(13) sedax iyo toban shaqaale iyo madaxda Guddiga ayaa waxaa hogaamineysay Gudoomiyaha Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismacil Ibrahim (Xaliimo Yareey) ka dib markii ay soo cagadhigatey diyaaradii wadey wafuuda Guddiga ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Jowhar wasiirka arrimaha gudaha iyo dowlada hoose Maxamed Cali Caadlle iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan.labada masuul ayaa u sheegay Guddiga inay ku soo dhawaadaan magaalada Jowhar ayna la shaqeyn doonaan maalmaha ay shaqada u joogaan dowlad Goboleedka Hirshabeele.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismacil Ibrahim ayaa ugu mahadcelisey madaxda Hirshabeele sida wanaagsan oo ay ugu soo dhaweeyeen magaalada Jowhar ee Dowlad Goboleedka Hirshabeele, waxayna u sheegtey saxaafada Gudoomiye Xaliimo in imaatinkooda uu salka ku haayo wadatashiyo ay la soo yeesheen magaalooyin badan oo ka tirsan Gobolada dalka ayna qeyb ka tahay magaalada Jowhar oo ay manta soo gaareyn , sidoo kale Gudoomiye Xaliimo ayaa sheegtey inay tahay Ujeedada wadatashigani sidii dalka looga saari lahaa nidaamka 4.5,loona heli lahaa nidaam ay dadweynaha ku dooran karaan hogaanka ku yimaado doorasho xor iyo xalaal ah.
Guddiga ayaa weli ku guda jira safaradooda shaqo oo ay ku kala tageen magaalooyinka Baydhabo, Xudur, Kismaayo, Garbahaareey, Doolow, Baladweyne iyo Jowhar, waxaana u sii harsan Magaalooyin kale oo ay u tegi doonaan wadatashiyada doorashada 2020.