Sat – Thurs: 8:00am – 3:00pm | Fri: closed
+252 616 385 278

Waxgaradka xudur iyo Gudiga oo ka wada Hadley watashiga Doorashooyinka 2020

Odayaasha dhaqanka, Ururrada bulshada, haweenka iyo siyaasiyiinta degmada Xudur ayaa si wayn uga qayb galay kulamada wadatashiga dadwaynaha ee Guddigu ka waday dalka oo dhan.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay muhimmadda ay leedahay doorashadu, caqabadaha ka hor iman kara doorashada 2020ka, iyo sidii dadwaynuhu uga qayb qaadan lahaayeen.Dood wadaag ballaaran ka dib; odayaasha iyo dhalinyarada waxay muujiyeen sida ay ugu diyaar yihiin inay u istaagin xaqiijinta doorashada 2020ka iyo in laga gudbo nidaamka 4.5 ee dalkeena ragaadiyay.Waxayna ka doodeen suaalo dhowr ah oo ku saabsan doorasho waxay tahay iyo waajibaadka laga doonaayo muwaadinka wax dooranaayo? 
GMDQ aya u faahfaahiyey dadwaynaha deegaanka daraasado laga sameeyey sida doorasho uga dhacday dalal sida Somaliya oo kale ah oo ay ka mid yihiin Ciraaq , Liberia, Afganistan Nigeria Sierra Leone oo ay ragaadiyeen colaaduhu, hadana waxay qabsadeen doorasho qof iyo cod ah, Somaliyana kama liidato dalalkaas oo waxay waddaa inay dalka ka hirgeiyaan doorashado xornimo ku dhacda.