Sat – Thurs: 8:00am – 3:00pm | Fri: closed
+252 616 385 278

Guddiga Madaxbannaan Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool u yimid wadatashiyo ay la yeelan doonaan Maamulka iyo Bulshada reer Xudur

Guddiga Madaxbannaan Doorashooyinka Qaranka ayaa manta Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool u yimid wadatashiyo ay la yeelan doonaan Maamulka iyo Bulshada reer Xudur
Guddiga waxaa horkacaya Gudoomiyaha GMDQ Xaliimo Ismaaciil Ibraahim iyo Maxamed Daahir oo ah xubin ka mid ah Guddiga.
Imaatinkooda ka dib Madaxda Guddiga waxay kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxda Gobolka ee uu ugu horeeyo
Gudoomiyaha Gobolka Xudur Maxamed Cabdi Maxamed (Tall) Waxay kawada hadleen labada masuul sida ay uga wada shaqeyn lahaayeen wadatashiyada ku aadan Doorashada Qof iyo Cod.

 

Sidoo kale waxay madaxda Guddiga kulamo la qaateen Gudoomiyaha Degmada  Xudur Maxamed Macalin Axmed iyo Gudoomiye ku xigeynka Gobolka Bakool Cabdulaahi Maxamed Nur Isak, waxay uga warbixisey Gudoomiye Xaliimo ujeedada ay u yimaadeen Magaalada Xudur oo ay ku sheegtey inay ugu weyn tahay sidii bulshada reer Xudur loola yeelan lahaa wadatashi doorashada Qof iyo Cod. 

Gudoomiye Xaliimo Yareey ayaa u mahad celisey maamulka Xudur iyo Masuuliyiintooda, waxayna u sheegtey maalmaha ay ku sugan yihiin Guddiga Doorashooyinka Xudur inay la wadaagi doonaan wadatashiyada ku aadan doorashada 2020 ee qof iyo cod.

 

 

Qor Faallo ama Jawaab

Your email address will not be published.