Sat – Thurs: 8:00am – 3:00pm | Fri: closed
+252 616 385 278

Culumaudiin, odayaal dhaqameed iyo dhalinyarada ku nool magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedka Jubaland ayaa waxaa loo qabtey wadatashiga doorashada 2020.

 

Wadatashiga oo ay hormuud u ahaayeen Guddiga Madaxbannaan Doorashooyinka Qaranka ayaa waxaa ka soo qeybgaley qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaasoo kala ah culumaudiin, odayaal dhaqameed iyo dhalinyarada.. Wadatashiga doorashada 2020-ka oo ahaa ujeedadiisa sidii buslada looga heli lahaa rabitaanka heerka ay ka joogaan doorasho qof iyo cod inay helaan,, ayaa waxaa loo soo bandhigey su’aalooyin dhowr ah oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka, kuwaasoo kala ah doorasho qof iyo cod 2020 dalka maka dhici karaa? Ma jiraan caqabado siyaasadeed oo ay ku lug leeyihiin siyaasiyiinta lagu soo doortey 4.5 iyo habka ugu wanaagsan oo looga gudbi karo caqabadahaasi?
Dadkii ka qeyb qaatey wadatashiga oo ay u badnaayeen odayaal dhaqameedkii 135 odayaal ee soo xuley ergooyinka, soo doortey baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in ay dhibaato tahay doorasho qof ku yimaada dhaqaalo ama xulasho oday dhaqameed, balse ay ku haboon tahay inuu siyaasiga ku yimaado doorashada qof iyo cod, taasoo ay suurtagelineyso in masuulkaasi lala xisaabtami karo.
Culumaudiinka ayaa iyaguna wadatashiga doorashada qof iyo cod ku sheegay inay tahay wax loo baahnaa ee soo daahey, loona baahan yahay in la dardargeliyo si dadka oo dhami u helaan xaquuq siman, sidoo kale culumaudiinka ayaa tilmaaamey qeybsiga 4.5 inuu ahaa marxalad keentey in dalka lagu xasiliyo, si loo helo deganaansho iyo dowlad wanaaag, dadka qaarkood ayaa u arka in 4.5 -ku ay ku faaiideen.
Si kastaba ha ahaatee dhalinyaradu oo ah dadka ugu badan bulshada, masiirka laga hadlayana ay iyagu u tahay dadkii looga faaiideyn lahaa ayaa qaba fekerka ah, in ay adag tahay qabsoomida doorasho qof iyo cod, maadaama siyaasiyiintu ay doonayaan musuq maasuq ay kursiga ku sii fadhiyaan, dhinaca kale dhalinyarada ayaa aaminsan hadii ay u kacaan qabsoomida doorasho qof iyo cod inuu dalka ka dhaco ay ku guuleysan karaan, waxay tusaale u soo qaataan dhalinyarada badankood, 15-kii dhalinyaro ee SYL, ayna ku sheegayaan in dhalinyaradu ay awood weyn u leeyihiin inay wax weyn ka badalaan siyaasadaha ka jira dalka Soomaaliya oo aysan maanta kaalin weyn ku laheyn
Cabdi Xakiim Maxamed Haadi oo ka mid ahaa dadkii ka soo qeybgaley wadatashiga doorashada 2020 ayaa qabey su’aal ah qaabka iyo nooca doorasho oo ay isla qaateen Guddiga Doorashooyinka? Jawaabtii ku aadanaa Cabdi xakiim suaashiisa waxaa si cad ah uga jawaabtey Gudoomiyaha Guddiga Madaxbannaan Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ibrahim, waxayna sheegtey Xaliimo isla qaadashada nooca doorasho in ay ka sugayaan wasaarada arrimaha Gudaha oo u xilsaaran soo xulista nooca doorashada, ilaa iyo sanadka 2018-ka
Ugaas Khaliif oo ka socdey odayaal dhaqameedka ayaa sheegey in aad loogu baahan yahay in dalka uu ka dhaco doorasho qof iyo cod, si dadka ay u helaan masuul lala xisaabtami karo, ayna suuragal weyn tahay in uu qabsoomo doorasho qof iyo cod, wuxuuna tusaalo u soo qaatey qabsoomidii doorashooyinkii maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe oo uu ku tilmaamey inay u dhacdey jawi degan oo aan dil iyo dagaal midna ka dhicin.
Wadatashiyada doorashooyinka 2020-ka oo ay Guddiga Madaxbannaan ka wadeyn dadweynaha kala duwan ee ku kala nool Gobolada qaar ayaa muujinayo inay baahi weyn u qabaan soo doorashada qof ay ku qanacsan yihiin, waxayna aad niyad xumo uga muujinaayeen doorashadii dadbaneyd oo ay ku yimaadeyn xilibaanada Federaalka, oo aysan dib dambe u arkin inay la xisaabtamaan iskaba daayee.
Wadatashigani ayaa sii socon doono ilaa laga gaarsiiyo dadweynaha ku nool guud ahaan dalka Somaliya oo dhan.