Wafdigii ka socday guddiga doorashooyinka qaranka ee uu hoggaaminaayay guddoomiye ku xigeenka guddiga guddiga ayaa maanta oo Talaada ah waxa ay la kulmeen huggaamiyaasha bulshada ee magaalada Doolow. Kulanka ayaa waxa uu ka dhacay hoolka shirarka ee xarunta degmada. Shirka waxaa si rasmi ah u furay guddoomiyaha degmada mudane Bashiir Xasan Cabdullaahi kaas oo soo dhoweeyay guddiga kana codsaday bulshada Doolow in ay la shaqeeyaan wafdiga guddiga. Markii uu furay shirka guddoomiyaha degmada waxaa ku xigsaday guddoomiya ku xigeenka guddiga. Mudan SayidCal Sheekh oo xog kooban ka bixiyay guddiga.
Komishanar Xuseen Cabdi oo ka mid ahaa wafdiga ayaa dadka u soo bandhigay cashar yar oo ku saabsan wadatashiga
iyo guud ahaan geeddi socodka doorashooyinka 2020ka. Dadkii dhegeystay warbixintan aad ayay ula dhaceen ugana maqsuudeen.
Intaa ka dib waxaa xigay qeyb ka qeybgalayaasha ay ku soo bandhigaayeen fikradahooda iyo su’aalo ku aaddan guddiga iyo howhsiisaba. Dadkii ka hadlay meesha waxaa ka mid ahaa oday dhaqameedyo, culimada diinta, dhallinyario iyo haween.
Ugu danbeyntii waxaa loo qeybiyay dadkii shirka fadhiyay kooxo. Koox walibana waxaa la siiyay su’aalo ay ka munaaqashoodaan. Wax-yaabihii ka soo baxay munaaqashadooda waxa ay ka soo jeediyeen shirka. Intaa ka dib waxaa shirka si wadajir ah u soo xiray guddoomiye ku xigeenka GMDQ iyo guddoomiye ku xigeenka degmada Doolow.