Sabti – Khamiis: 8:00s – 3:00g | Jimcaha: fasax
+252 612 868 294

Haweenka Jubba land ee magaalada Kismaayo oo ka qeyb qaatey wadatashiga Doorashada 2020

Waxaa magaalada magaalada Kismaayo ee maamul goboleedka Jubba land ka socda wadatashiga doorashooyinka 2020. Wadatashiga waxaa lala yeeshay haweenka ku sugan dowlad Goboleedka Jubbaland ee magaalada Kismaayo oo qaadan doono kaalinta kaga aadan ku biirida fekradahoooda oo ah mid dhiiragelin kara wadatashiga doorashada 2020-ka.

Furitaanka Wadatashiga waxaa hadalo ka soo wada jeediyey masuuliyiinta kala ah, Gudoomiyaha ururada haweenka ee J/Land Xaliimo Faarax Godane, xildhibaanada Federaalka Maryan Maxamed iyo Gudoomiyaha Guddiga Madaxbannaan Doorashooyinka Qaranka, waxayna sheegeen in kulankaani wadatashiga uu yahay kulan muhiim u ah haween weynaha Soomaaliyeed, loogana baahan yahay haweenku inay tiro badan ka lahaadaan golayaasha deegaanka ee la sameyn doono,loogana baahan yahay in haweenku ka dhex muuqdaan dadaalada wadatashiga ah ee masiirka dalka ka socda, ayna muujiyaan midnimo , haweenka musharaxiinta noqdana ay codkooda siiyaan kuna dhiirageliyaan inay ka mid noqdaan siyaasiyiinta xilalka waa weyn ka qabanaaya dalka.
Dhinaca kale Xaliimo Farax Godane ayaa sheegtey in haweenku ay yihiin tiir adag oo kaalin weyn ka qaadan kara dhaqaalo aruurin loo sameeyo arrimaha doorashooyinka. Iyo u ololeynta helida amni leysku haleyn karo, taasoo la hubo inay wax badan badali karaan.
Haweenkii arraahdooda ka soo jeediyey shirka wadatashiga waxaa ka mid aheyd Cadar Ismacil oo ka tirsan ururka Haweenka ee Jubbaland ayaa cadeysay qodobo dhowr ah hadii la qaado ay dalka ka dhici karaan doorasho qof iyo cod, qodobadaasina waxay kala yihiin
Waa in amniga iyo is aamin la helo,
Waa in la helo xisbiyo aan ku saleysneyn qabiil.
Waa in in la xoreeyo degmooyinka ka maqan gacanta dowlada.
Waa in la helo ciidamo isku dhaf ah oo laga baxo ciidamada qabiilada ah.
Waa in la helo dib u heshiisiin dhab ah.
Waa in la helo maxkamad dastuuri ah oo hadii leys qabsado loo noqdo,
Waa in xisbiyo siyaasadeed la sameeyo,
Cadar Ismacil ayaa tiri “doorasho qof iyo cod waa uu qabsoomi kartaa , hadii la raaco nidaamka aan kor ku soo xusney ,
Farxiyo Axmed Aadan ayaa sidoo kale tilmaamtey caqabadaha hortaagan qabsoomida doorashada 2020 inay aasaas u yihiin bulshada oo aan isku duubneyn.waxayna Farxiyo sheegtey caqabadaha looga bixi karo inay tahay bulshada oo sameysa banaanbax nabadeed oo ay ku doonaayaan rabitaankooda doorasho ee qof iyo cod ayna cod dheer ku yiraahdaan ma dooneyno 4.5 ee waxaan dooneynaa doorasho qof iyo cod.
Xaliimo Aadan Cabdi oo ka mid ah haweenka nabadeynta kismaayo ayaa tiri, hadii ay diidaan masuuliyiinta in la qabto doorasho qof iyo cod waxba suurageli maayaan, balse wadanka hadii uu ka jiro nabad, masuuliyiinta lagama yeelaayo diid madooda ku aadan in dalka uusan ka qabsoomin doorasho qof iyo cod.
Wadatashiga doorashada 2020 ee dhanka haweenka kaga aadan ayaa ku soo dhamaadey jawi xasiloon oo ay isku afgarteen in haweenka door weyn ka wada qaataan qabsoomida doorasho qof iyo cod ayna diyaar u yihiin hadey yihiin haween ka reer Kismaayo.