Sat – Thurs: 8:00am – 3:00pm | Fri: closed
+252 616 385 278

Siyaasiyiinta Maamul Goboleedka Jubaland ee Kismaayo oo lala yeeshay wadatashiga doorashada qof iyo cod

wadatashiga doorashada 2020 wuxuu ka furmay hotelka MECCA ee magaalada Kismaayo, waxaana ka soo qeybgaley, Madaxweyne ku xigeynka J/lanad Maxamud sayid Aadan , wasiiro, xildhibaano, saraakiisha ciidamada xooga dalka , ciidamada Booliska iyo agaasimaha madaxtooyada.
Furitaanka wadatashiga waxaa Hadlo ka soo jeedisey Gudoomiyaha Guddiga Madaxbannaan Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim, waxay sheegtey marwo Xaliimo in wadatashiga doorashada 2020 uu yahay barnaamij dadweynaha, siyaasiyiinta, culumaudiinka,haweenka saraakiisha amniga iyo dowlada lala yeelanaayo si dalka looga saaro nidaamka 4.5, iyo in ay adag tahay si doorasho qof iyo cod la qabto hadii aysan shacabka diyaar u aheyn, waxay kaloo ay Xaliimo sheegtey in hayad doorasho ee la sameeyey aysan doorasho kaligeed qaban Karin, hadii qeybaha kala duwan buslada, saraakiisha iyo siyaasiyiinta aysan ka go’neyn in doorasho qof iyo cod la qabto. Waxaa furitaanka wadatashiga doorashada 2020 sidoo kale ka Hadley Madaxweyne ku xigeynka dowlad Goboleedka J/Land Maxamud Sayid Aadan wuxuu sheegay M/ku xigeynka in wadatashiga doorashada qof iyo cod ay u gaarto shacabka si cadaalad loo helo, loogana gudbo nidaamka 4.5-ka oo ay ummada inteeda badan ku qanacsaneyn, haddaba si loo helo masuuliyiin codka shacabka ku yimaada, lagana gudbo masuuliyiin kooxo ay doortaan,waa in gacan hiil iyo hoo lala garab istaago Guddiga Doorashooyinka Qaranka, waxayna waajibaadkaas ay noo horseedi doontaa inaan helno dowlad qaran ah iyo la xisaabtan, iyo gaarista doorasho qof iyo cod ah.
Intaa ka dib masuuliyiintii ka soo qeybgaley wadatashiga ayaa is weydaarsadey fekradahooda ku aadan qabsoomida doorashada 2020 iyo caqadaha ka horyimaada hababka looga gudbi karo?.Xildhibaan Xasan Shire ayaa sheegay doorasho qof iyo cod in aysan qabsoomi Karin ilaa dadka dib u heshiisiin lagu sameeyo, gefafka ay kala tabanayaana ay ka tanaasulaan, kooxaha AlShabaabkana dalka laga sifeeyo.

Ugaas Cabdiraxman Ugaas Khaliif ayaa sheegay In dalka uu ka dhici karo doorasho qof iyo cod, doorashooyin ay ku yimaadeen madaxda dalka uu ka dhacey dalka Somaliya.

Kornel ka mid ah ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, Ismaaciil Sheekh Isxaaq, oo aad uga xumaadey hadalada niyad jabka leh oo ay ka jeediyeen siyaasiyiinta ka qeyb qaatey dooda ku saabsan in doorasho dalka aan ka dhici kartin , waxaa wuxuu tilmaamey in dalka uu ka dhici karo doorasho, amnigana ay sugayaan ciidamada xooga dalka ,wuxuu Korneelka cod adag ku yiri”Somaliya cid noo maqan oo danaheena noo fulin karto ma jiraan ee aan muujino midnimo”
Kulanka wadatashiga oo weli ka socda magaalada Kismaayo ee Dowlad goboleedka Jubaland ayaa dadkii ka soo wada qeybgaley oraahdooda si geesinimo leh u dhiibtey ayaa waxay rajo wanaagsan ka muujiyeen shaqada Guddiga ay ka wadaan gobolada dalka oo dhan, si shacabka qeybihiisa kala duwan loola yeesho wadatashiga doorashada qof iyo cod, taas oo ah hanaan la doonaayo in dalka looga saaro nidaamka 4.5 oo ah nidaam aan si dhameystirneyn oo aan xaq iyo cadaalad aheyn dadku u qeybsadaan kuraaska siyaasadeed ee dalka Somaliya.