Sat – Thurs: 8:00am – 3:00pm | Fri: closed
+252 616 385 278

Wafdi uu hogaaminaayo G/Ku xigeynka GMDQ Sayid Cali ayaa gaarey Magaalada Garbahaareey

Wafdi ka socday GMDQ oo uu hogaminaayo guddoomiye ku xigeenka guddigaas M/ne, Sayid Ali Sheik Maxamed ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 23/12/2017 gaaray magaalada Garbahaarey ee gobalka Gedo.
Wafdiga ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey dhammaan mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer dagmo oo uu hogaaminaayey guddoomiye ku xigeenka gobalka Gedo.
Ujeedada booqashada wafdiga ayaa ah la tashiyo dadweyne ee uu guddiga ka sameynaayo gobalka Gedo ee maamulka Jubaland oo ku saabsan doorashada qof iyo cod ee 2020.