Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo safar shaqo ku tagay magaalada Baydhabo ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Taariikhda   17/08/2017     magaalada Baydhabo ee caasimada kumeelgaarka ah ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya  waxaa safar shaqo ku tagay wafdi ballaaran oo ka socda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Wafdiga oo ay hogaaminaysay Guddoomiyaha Guddiga Mrw, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa waxay ugu horreyn kulan la qaateen wasiiro ka tirsan xukuumada koonfur galbeed oo ay kamid yihiin wasiirka qorsheynta, wasiir kuxigeenka arrimaha gudaha, wasiirka dastuurka, wasiirka madaxtooyada , waxaana kulamadasaas diiradda lagu saaray sidii Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Guddigu wada shaqayn u wada yeelan lahaayeen si loo dar-dargaliyo qorshaynta iyo u diyaargaroobidda Doorashooyinka 2020ka , sidoo kale wafdigu wuxuu warbixin ka siiyay wasiirada shaqooyinka Guddigu qabtay mudadii uu jiray iyo qorshaha istaraatiijiyadda 5ta sano ee lagu fulinayo doorashada 2017-2020.

Wasiiradu waxay soo dhaweeyeen islamarkaana ku ammaaneen Guddiga shaqada baaxadda leh ee uu qabtay mudadii koobnayd ee uu jiray waxaana ay sheegeen in ay diyaar u yihiin wada shaqayn dhaw oo ay la yeeshaan Guddiga si loo fududeeyo shaqada weyn ee Guddiga hortaala, sidoo kale waxay wasiiradu ka codsadeen Guddiga in ay kala shaqeeyaan doorashooyinka degmooyinka Koonfur Galbeed laga qabanayo dhawaan oo bilow ah hanaanka daadajinta maamulka iyo dimoqoraadiyadeynta dalka.

Wafdigu waxay soo dhaweeyeen qorshaha lagu dhisayo maamulo ay dadku doorteen ee degmooyinka koonfur galbeed waxayna u cadeyeen wasiirada in arintani ay horseed u tahay dadaalka lagu hirgalinayo doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda 2020ka Guddiga diyaar u yahay waajibna ku tahay in uu kala shaqeeyo doorashooyinka degmooyinka maamulka Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale wafdigu waxay kulan gaar ah la qaateen Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan sh. Aadan , kulankaas ayaa waxay Guddigu uga warbixiyeen madaxweynaha shaqooyinkii u dambeeyay ee Guddigu qabtay oo ay kamid ahaayeen dajinta qorshaha istaraatiijiyadda 5ta sano ee Guddiga, qorisa qaamuuska ereybixinta doorashooyinka, warbixinada Guddigu la wadaagay Baarlamaanka Jamuhuuriyada iyo daahfurka xafiiska diiwaangaliyaha xisbiyada siyaasadda. Sidoo kale wuxuu wafdigu la wadaagay madaxweynaha caqabada dhaw iyo kuwa fog-fog ee ku xayndaaban hawlaha shaqo ee Guddiga oo ay kamid yihiin miisaaniyad la’aanta doorashada, shuruuc badan oo muhiim u ah doorashada oo aan wali la samaynin, dib u eegista dastuurka, iyo ka go’naansho siyaasadeed oo mideysan ee ku aadan doorashada oo aan jirin.

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sh. Aden ayaa uga mahad celiyay wafdiga Guddiga safarka shaqo ee ay ku yimaadeen magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu ku ammaanay Guddiga shaqada wanaagsan ee uu qabtay iyo sida ay ugu dadaalayaan gudashada waajibaadka qaran ee horyaala.

 

Madaxweyne sharaiif wuxuu Guddiga u cadeeyay in Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay diyaar u tahay in ay taageero buuxda siiso Guddiga Madaxabanan ee Doorashooyinka Qaranka si loo dar-dargaliyo hawlaha culus ee horyaala, waxa uu sheegay si looga dhabeeyo in doorasho dadlka ka dhaco sanadka 2020ka ay waajib tahay in shaqadeeda hadda la bilaabo si looga fogaado carqalad iyo diyaargarow xumo dhacda marka doorashadu soo dhawaato iyadoo laga faa’iideysanoyo khibradihii la soomaray ee ay ugu dambeysay hanaankii doorasho ee sanadkii 2016ka. Sidoo kale madaxweyne shariif waxa uu sheegay in arrimaha doorashada ay si gaar ah uga wada hadli doonaan Madasha Madaxda Qaranka ee dhici doonta bilaha soo socda.

Ugu dambeyntii qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu sheegay in koonfur Galbeed Soomaaliya waligeedba dadaal dheer ugu jirtay geedi socodka dimoqoraadiyaynta dalka iyo dhaqangalinta Doorashooyin qof codkiisa ah in ay dalka ka dhacaan ayna wali diyaar u yihiin in ay dadaalkaas sii wadaan, waxana qoraalka xafiiska madaxweynaha kasoo baxay lagu caddeeyay in ay ku garab istaagayaan Guddiga Doorashooyinka gudashada waajibaadka dastuuriga ee loo igmaday.

Dhamaad

 

Qor Faallo ama Jawaab

Your email address will not be published. Required fields are marked *