Sabti – Khamiis: 8:00s – 3:00g | Jimcaha: fasax
+252 612 868 294

Korjoogteynta Doorashooyinka Kenya

Doorashooyinka Kenya ayaa ahmiyad gaara u leh dhammaan mandaqada geeska iyo Bariga afrika ee aynu ku nool nahay iyadoo Kenya ay tahay waddan Saldhig u ah hay’adaha dhaqaale iyo kuwo dublamaasiyadeed ee mandiqadaan.

Hawsha korjoogteynta doorashadu waxay timid ka dib markii gudiga madaxabanaan ee doorashooyinka qaranku martiqaad ka helay Guddiga Xuduudaha iyo doorashooyinka dalka kenya oo ah hay,adda mas’uulka ka ah doorashooyinka dalkaasi, waxayna hawsha guddigu halkaa ka hayeen bilaabatay ka dib markii laba ka mid commissionerada guddigu ay gaareen magaalada Nayroobi dhammaadkii bishii July 2017ka.

 

 

Ujeeddooyinka safarkaa shaqo waxaa ka mid ahaa:

  • korjoogteynta doorashooyinka dalka kenya ka dhicaya 8/8/2017 kuwaas oo ah doorashooyin guud oo heerar kala duwan isugu jira.
  • Waxbarasho iyo aqoon kororsi la xiriira habka nidaaminta iyo isku dubaridka doorashooyinka iyo maamulkooda.

Haddaba si loo xaqiijiyo ujeeddoyinka kor ku xusan wuxuu guddigu ku dhaqaaqay hawlaha hoos ku xusan:

1- Markii labada xubnood ay isugu yimaadeen magaalada Nairobi taariikh 31/7/2017 waxay xirriir xagga taleefoonka ah la yeesheen Madaxa xiriirka kormeerayaasha dibadda ee Guddiga Doorashooyinka dalka Kenya Janne oo ay kula ballameen xarunta guddiga.

2- Maalintii taariikhdu ahayd 1/8/2017 xubnaha Guddigu waxay tageen xarunta agaasinka korjoogayaasha waxayna gudbiyeen sawirada iyo dukumentiga kale ee looga baahnaa si loogu sameeyo warqadaha aqoonsiga korjooganimada, ma suurta galin in hawshu ay maalintaa dhamaato sababo la xiriira iyadoo kumanaan korjooge loo sameynayay kaararka.

3- Subaxnimadii 2/7/2017, waxay xubnuhu soo qaateen kaararkii aqoonsiga , islamaalintaa galabnimadii waxay tageen xarunta Bomas Kenya oo ah xarunta loo asteeyay hawlaha muhiimka ah ee doorashooyinka taasoo lagu soo bandhigayay barnaamijka tijaabinta soo gudbinta natiijooyinka iyadoo la adeegsanayo habka electoronigga ah, waxayna maalintaa Guddiga doorashooyinka Kenya goobta ku soo bandhigeen barnaamij si toos ah ugu shubaya natiijada doorashooyinka ee xarumaha doorashada website guddiga, iyadoo si gooni gooni ah aan u qaabilnay xoghayaha Guud ee Guddiga iyo qaar kamid ah commissiners ka Gudiga Kenya oo soo dhaweyn ka dib ballan u qabtay inay qaabilaan xubnaha guddiga Soomaaliya inkastoo mashquulkooda shaqo uu aad u badnaa.

4- maalintii xigtay ee 3/8/2017 ka waxay xubnaha Guddigu booqdeen xarunta IEBC guddiga doorashooyinka Kenya iyagoo xafiiska Guddiga ku qaabilay guddoomiyaha Guddiga Kenya iyo Xoghayaha Guud oo dhamaantood muujiyay sida ay ugu saacidayaan guddiga Soomaaliya hawlaha uu halka u joogo waxaan dhankayaga ka codsanay inaan helno dhammaan dikumentigii la daabacay ee doorashada iyo dadka hawlwadeennada ah si aynu shaqadayada u Gudanno, wayna ballan qaadeen.

5- Maalintii xigtay ee ahayd 4/8/2017, waxaan dib ugu laabanay xarunta IEBC-da innagoo la kulannay xafiiska xiriirka guud, kana soo qaadnay buugaag, stiikaro iyo sawiro lagu dhajiyo darbiyada kuwaas oo dhammaantood muujinaya sida loo gudanayo hawsha codbixinta, sidoo kale waxaan ka helnay musuuliyiinta deegaan doorasho ee Nairobi si ay noogu fududeeyaan hawlaha aynu halkaan u joogno.

6- Maalintii taariikhdu ahayd 6/8/2017, waxay Guddiga xubnihiisu u kallaheen xarunta maamulka doorashada ee Westlands taasoo laga maamulayay in ka badan 230 xarumood oo codbixineed si ay indhahooda ugu soo arkaan hawsha diyaargarowga doorashada, waxayna xaruntaas kula kulmeen madaxda xarunta oo dhankooda bixiyay warbixin, waxayna xubnaha Guddigu halkaas uga qeybgaleen barnaamijka diyaargarowga ee lagu kala qeybinayay shaqaalaha Guddiga islamarkaana lagu siinayay dardaarankii ugu danbeeyay, sidoo kale waxaa naloo furay oo aan soo aragnay bakhaarka keydka qalabka doorashooyinka oo dhan oo ay ku jiraan waraaqaha codbixinta iyo sanaadiiqda, inkastoo aan loo ogolayn korjoogayaasha inay sawiro ka qaataan.

7- Maalintii ka horreysay maalinta codbixinta waxay xubnaha Guddigu dib ugu laabteen xaruntii deegaan doorashooyinka Westlands si ay u ogaadaan habka qeybinta qalabka doorashooyinka sida sanaadiiqda iyo warqadaha codbixinta, sidoo kale waxaa maalintaas goobta lagu agaasimay kulan ballaaran oo loo sameeyay saraakiisha iyo ciidanka Boliiska kuwaas oo ilaalo ka noqon lahaa xarumaha doorasadu ay ka dhaceyso.

8- Maalintii ay doorashadu dhacaysay 8/8/2017, waxay xubnaha Guddigu u dareereen korjoogteynta doorashada iyagoo tagay goobtii ugu horreysay inta aysan bilaaban hawshii codbixintu, waxayna xubnaha Guddigu si weyn u dareemeen sida dadweynuhu ugu diyaarsanaayeen codeynta maalinta doorashada iyo safafka dhaadheer ay ugu dulqaadanayeen, sidoo kale waxaa goobaha codbixinta ka muuqatay nidaam iyo diyaargarow aad u ballaaran, iyadoo markii ugu horreysay la adeegsaday qalab electoronic ah si loo hubiyo codbixiyayaasha, waxaa xarunta codbixinta yaallay 5- sanduuq oo leh dabool kala midab duwan, waxaana mar qura la wada dooranayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Governerka Gobolka, Baarlamaanka dhexe, Baarlamaanka dhexe dumar kaliya, iyo Golayaasha Gobollada ama countiyada. Maalintaa xubnaha Guddiga waxaa u suurta gashay inay korjoogteeyaan ilaa 10 (toban) ka mid ah xarumaha codbxinta iyagoo xaruntii u danbeysay goob joog ka ahaa ilaa tirinta natiijooyinka codbixinta.

9- habeenkii xigay maalinta doorashada waxaa soo bilowday tirinta natiijada doorashada, taasoo si is dabajoog ah isaga soo dabadhacaysay waxayna xubnaha Guddigu ku kallaheen maalintii xigtay maalinta doorashada ee taariikhdu ahayd 9/8/2017- ka xarunta Bomas Kenya oo ah xarunta lagu soo bandhigayay natiijada horudhaca ah ee natiijada doorashada, si ay u arkaan habka tebinta natiijada doorashada, sidoo kale Xubnaha Guddigu waxay wareysiyo kala duwan siiyeen warbaahinta af-soomaaliga ku hadasha wareysiyadaas oo ku saabsanaa guud ahaan sida ay u dhacday doorashada Kenya iyo duruusta aynu ka baran karno si Soomaaliya ay gaarto doorasho guud sanadka 2020-ka, waxayna barnaamijyadaasi socdeen ilaa galabkii.

Duruusta aynu ka barannay Doorashooyinka Kenya:

  1. Diyaargarowga iyo dhameystirka hawlaha kala duwan ee doorashooyinka ka hor inta aan la gaarin maalinta doorashadu waa arrin lama huraan u ah habsami u qabashada doorashada, wuxuuna arrinkana halbeeg u yahay sida Guddiga Doorashadu u shaqeeyeen.
  2. Wacyigelintu waa hawl aan dhammaaneyn taas oo marwalba ku aaddan maalinta iyo xaaladda la marayo, waxaana ka muuqday barnaamijka Doorashooyinka Kenya sida loogu adeegsanayay qalabka kala duwan ee warbaahinta in dadweynaha waxlagu baro laguna wacyi galiyo, waxaa xusid mudan in habeenkii ka horreeyay maalinta doorashada inta badan commissioner ku ay fadhiyeen taleefishanada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowladda iyagoo ka jawaabaya su,aalaha dadweynaha islamarkaana adeegsanaya farriimo isku mid ah kuwaasoo ka turjumaya sida ay guddiga uga go’an tahay inuu u muujiyo karti iyo daahfurnaan.
  3. Tababarka iyo tusaaleynta marwalba loo sameynayay shaqaalaha Guddiga ee ka shaqeynayay goobaha codbixinta iyadoo ay ku sifoobeen dulqaad iyo hawlgarasho islamarkaana ay gudanayeen shaqadooda si nidaam iyo kala danbeyn leh.
  4. adeegsiga tiknooloojiyadda iyo aaladaha ku shaqeeya internetka iyadoo markii ugu horreysay la adeegsaday technologiyada laba marxaladood, ean hore waa hubinta iyo xaqiijinta codbixiyaha oo loo adeegsaday qalab yar oo farta ama suulka la saarayo kaasoo soo saaraya haddii uu qofku ka diiwaangashan yahay goobta codbixinta, sidoo kale wxaa la adeegsaday teknooloogiyadda marka la soo gudbinayay natiijada codbixinada ee ka imaaneysay deegaan doorashooyinka kala duwan.
  5. Dulqaadka iyo sabirka ka muuqday dadweynaha safafka dhaadheer ugu jiray inay codkooda bixiyaan wuxuu ahaa mid ku yimid wacyi gelin badan iyo aqoonta xagga madiga ee dadweynaha Kenya oo kor loo qaaday doorashooyinka ka hor waana arrin u baahan in la siiyo ahmiyad gaar ah marka laga hadlayo doorasho Soomaaliya ka dhacda 2020-ka.
  6. Kaalinta ciidamada suggidda amnigu waxay ahayd sidoo kale mid muhiim ah waxaana ka muuqatay boliisku inuu si weyn isugu diyaariyay sugidda amniga goobaha codbixinta iyo dadweynaha ku suganba.

 

Diyaariye:

Commissioner Said Hashi Warsame

Commissioner Hussien Abdi Adan

Qor Faallo ama Jawaab

Your email address will not be published.