Dadka baahiyaha gaarka ah qaba ama naafada ah waa qeyb weyn oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed kuwaas oo xaq ku leh dhammaan hawlaha dastuuriga ah ee dalka ka jira oo ay kamid yihiin doorashooyinka.
Xarunta Guddiga waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 27 August 2019 lagu qabtey tababar lagu falanqeynayay xaquuqda dadka naafada ah, iyo habdhaqanka ay ka mudan yihiin bulshada ay la nool yihiin
Tababarka waxaa soo agaasimey hayadda qaramada midoowey (United Nation) qeybteeda xaquuqul insaanka. (Human Rights). Waxaa ka faaiideestey tababarka howlwadeenadda iyo madaxda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ)
Gudoomiyaha Guddiga Xaliimo Ismail ayaa furitaanka tababarka sheegtey in muhiim ay u tahay howlawadeenada Guddiga inay wax badan ka bartaan hab dhaqanka dadka baahiyaha gaarka ah qabo xilliyada doorashada iyo in mudnaan weyn la siiyo lana tixgeliyo.
Fududeeyayaalka tababarka Kirsten young, Vehlih Long, Maxamed Harun iyo Maxamed Cilmi, waxay qeexeen noocyada dadka naafada ah ay u kala baxaan iyo dalalka caalamka hababka ay ula dhaqmaan dadka baaahiyaha gaarka ah qabo, waxaa jirey su’aalo ku saabsan xariirka uu la leeyahay sharciga naafada iyo doorashada, iyo mabaadiida (principles) loo soo dejiyey sharciga naafada? Sidoo kale waxaa si qoto dheer looga hadlay ereyada ku haboon dadkaas iyo kuwa aan ku habboonayn.
Sidoo kale Maxamed Haaruun kana mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qabo ahna lataliyaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee wasaaradda haweenka iyo Xaquuqul Insaanka Somaliya ayaa sharxay sharciga dadka naafada ah iyo doorashooyinka, wuxuu kaloo sheegay in bulshada aduunka ku nool ay tiradooda yihiin 10 Bilyan, hal (1) Bilyan oo ka mid ah ay yihiin dadka naafo ah, sidoo kale dadka naafada ah ee ku nool Somaliya badankood naafonimmadooda ay sabab u tahay dagaallada sokeeye ee dalka soo maray ilaa haddana ka socda, kuwaasoo maalin walba soo kordhiya tiro cusub oo naafo ah.
“Dadka naafada ee ku nool Somaliya waxay lu baahan yihiin inay xaquuqdooda wadanniga ah, Iyo helidda xaquuqda siyaasadda” “Dadka naafada ah maahan dad aan awood caqli iyo caafimaad ah laheyn, maahan in bulshada laga dhex saaro waa dad u baahan xaquuqda ay u baahan yihiin dadka lixaadkooda dhameystiran yahay”. Ayuu yiri Maxamed Haaruun oo adkeynayay in la xoojiyo ka qeybgalka dadka naafada ah ee arrimaha Siyaasadda oo ay doorashooyinku ku jiraan, ha ahaadeen musharixiin, codbixiyayaal, korjoogayaal ama hawladeennada Guddiga ee shaqada doorashooyinka haya.
Tababarka looga hadlaayey doorashada iyo dadka baahiyaha gaarka ah ayaa waxaa soo gababeesay Guddoomiyaha Guddiga MadaxaBannaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil oo si weyn u adkeysay sida Guddiga ay uga go,an tahay inuu mudnaanta iyo xaqa ay leeyihiin uu siiyo dadkaasi intii Guddiga tabartiisa ah.