Siminaar loo qabtay Xubnaha iyo shaqalaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEC).

Waxaa siminaar aqoon kororsi ah loo qabtey  Xubnaha iyo Shaqaalaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka ,

 

Siminaarka ayaa waxuu ku saabsanaa arrimo la xariira Doorashooyinka sida Diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha ah iyo Hababka loo mari karo sameynta istaraajiiyadya fulinta howlaha  doorashooyinka.

Xubnaha Guddiga  iyo  shaqaalaha  ayaa waxaa loo qeybiyey kooxo si ay uga doodaan muwaadiicda tababarka lagu baranayey 

Sidoo kale waxaa laga  doodey caqabadaha ku wajahan suuragalnimada diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha iyo sida ugu macquulsan ee looga gudbi karo cabaqadahaasi, caqadahaasi oo ay ka mid yihiin  sida dadka Soomaalida ah ee  reer guuraaga ah ama Miiga ku sugan loo gaarsiin karo diiwaangelinta iyo Barida ka qeybgalka doorasho qof iyo cod ah. 

Guud ahaan Xubnaha  Guddiga Madaxabanaan Doorashooyinka ee Qaranka iyo Shaqaalaha  ayaa ka wada faaiideystey siminaarka oo aad muhiim u ahaa.

Simninaarkan ayaa waxaa bixinayay khubaro caalami ah oo ka soo shaqeeyay doorashooyin kala duwan oo ka dhacay wadamo badan oo caalamka ah waxaan fududeeyay kooxda taageerta doorashooyinka Soomaaliya ee IESG. 

 

Please publish modules in offcanvas position.