Gudoomiye ku xigeenka Guddiga sayed ali sh Mohamed, Xog-hayahaguud Dr. Dahir Mire Jibreel iyo Agaasimaha hawlgalka doorashooyinka Ismail Yasin Mohamed ayaa ka qayb galay shirku saabsan maamulka doorashooyinka dimoqoraadiga ah oo kadhacay dalka koonfur afrika

Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay macahadka horumarinta ee jaamacada koonfur africka waxan taageeraysay hay’adda deeqaha ee mareykank aee USAID
Ujeedada tabobarkan ayaa ahayd in Hay’addaha Maamulka Doorashoyinka lagu wacyigaliyo caqabadaha horyaalla shaqyooyinka ay qabanayaan iyo sida loo wajahayo iyadoo laga tilmaanqaadanayo hanaanka dimoqoraadiyadda ku dhisan iyo hiigsiga midowga afrika.
Ujeedada labaad ayaa ahayd in hay’adaha maamulka doorashooyinka afrika ay isku dhaafsadaan xogaha, khibradda, iyo caqabadaha ay la kulmaan si loogu sameeyo is barbardhig islamarkaan ay xalintooda talo guud looga yeesho.
Ugu dambeyn tabobarka loo siinayay hay’adaha maamulka doorashooyinka ayaa ahaa in la helohay’do u qalma habka iyo hanaanka qabashada doorashooyin dimoqoraadi ah.

Dhinaca kale Guddoomiye ku Xiigeenka Guddiga iyo Xoghaya Guud ayaa kulan la qaatay Guddiga Madaxabananee Doorashooyinka Koonfur Africa, Guddoomiye Ku xigenka sayid Ali ayaa marka hore u gudbiyay guddiga salaan qaali ah uu ugawaday Guddomiyaha Guddiga iyo Xubanaha Guddiga doorashoyinka soomaaliya, Salaan kadib ayaa waxa furmay wadahadalo rasmi ah oo looga wadahadlay iskaashiga labada dhinac iyo joogteynta xiriiro dhexmara labada guddi, waxaana la isku afgartay in la sameeyo guudiyo farsamo oo ka kala socda labada dhinac kuwaassoo diyaariya heshiis horu dhac ah oo iskaashi oo mustaqbalka ay labada dhinac kala saxiixdaan

