Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, wuxuu si weyn ugu dhex jiraa u diyaargaroowga dhisidda kaabayaasha hay,addan si ay u gudato waajibaadka qaran ee loo igmaday kuwaasoo ah maareynta iyo maamulidda doorashooyinka, waxaana shaqada guddigan hagaya mabaadii,da shaqo ee ay ka mid yihiin, daacadnimo, daahfurnaan,iyo isla xisaabtan.
