1. Guddiga doorashooyinka wuxuu ka koban yahay sagaal (9) xubnood si waafaqsan Qod. 111G ee Dastuurka iyo in laga siiyo xubno wax ku ool ah Haweenka si waafaqsan Qod. 3(5) ee Dastuurka.
2. Guddigu  wuxuu  yeelanayaa  Guddoomiye  iyo Guddoomiye ku-xigeen oo xubnaha iska dhex dooranayaan, kulankiisa ugu horeeya waxaa shir guddoominaya xubinta ugu da’da wayn.
3. Guddiga Doorashooyinka wuxuu dhisan karaa guddi-hoosaadyo  ka  kooban  xubnihiisa  hadba sida uu u arko inay lagama maarmaan u tahay gudashada hawlihiisa.

 

 

Please publish modules in offcanvas position.