Halima Ismail Ibrahim , Chair of NIEC

Halima Ismail Ibrahim

Halima Ismail Ibrahim , Chair of NIEC

Halima Ismail Ibrahim was born and raised in Mogadishu where she completed a Bachelor’s degree in agricultural sciences. She later went on to do her Master’s in agricultural economics and rural development at the University of Turin. Prior to the conflict in Somalia, she was an agricultural sciences lecturer at Somalia’s National University. Following the collapse of Somalia’s federal government, she became involved with civil society organizations and later joined UNOSOM (United Nations Operations in Somalia) where she worked as a political affairs officer until the mission’s 1996 closure.

Following more than a decade abroad, she returned to Somalia in 2007 to contribute to reconciliation and state-building efforts.

She became the chair of Somalia’s Civil Society Coalition which advocated for the establishment of a Permanent Government in Somalia which replaced the Transitional National Government (TNG). In addition, she was the Chair of Somalia’s Women’s Leadership Initiative (SWLI) which sought to unify Somalian women into a ‘critical mass’ to voice concerns and provide a gender perspective in the development of national policy and political processes. Halima also became the co-chair for the technical selection committee that carried out the vetting of candidates for Somalia’s Federal Parliament and its National Constitutional Assembly which were both nominated by the elders. Furthermore, Halima was also the Chair of the Technical Committee for the formation of the Central Region State and was a member of the High Level Task Force for Somalia’s New Deal Processes.

Sayid Cali Sheekh Maxamed

Sayid Cali Sheekh Maxamed,Gudoomiya Kuxigeenka

Sayed Ali Sh. Maxamad wuxuu ku dhashay Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Baay. Wuxuu waxbarashada hoose iyo sare ku dhameeystey isla degmadaas. Wuxuu jaamacada heerka koobaad ee Maamulka iyo Maareynta Ganacsiga kaga qalinjabiyay Jaamacada Ummada ee Muqdisho sanadkii 1989kii. Burburkii dalka kadib 1991kii, Sayid Ali waxa uu megengelyo siyaasadeed ka heley Dalka Holland, halkaas ayuuna waxabashadiisa ka sii watey, jaamcada Erasmus Rotterdam ayaa waxaa uu ku qaatey heerka labaad ee Xiriirka Dadweynaha (Public Relations). Kadib waxa uu Sayed Ali shaqo ka bilaabey xafiiska xiriirka daweynaha ee Dowladda Hoose magaalada Dodrecht ee dalka Holland, halkaas oo uu kasoo qabtay howl tayo sare leh. 2003dii waxa uu u guurey dalka Ingriiska magaalada Birmingham. Halkaas ayuu waxaa uu kasii watey nolol maalmeedkiisa, Sayed Ali waxaa qeyb ka ahaa goobjooge yaal loo xuley doorasho deegaan oo ka dhacdey Birmingham sanadkii 2008. Waxaa kale ee uu ahaa Gooddimyaha jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee dalka UK isla markaasna waxaa uu madax ka ahaa NGO lagu magacaabo Gogol Association oo local iyo International ka howl geli jirtey. Sayid Ali waxaa uu dib wadanka ugu soo noqdey si joogta ahna shaqo ugu bilaabey 2012. Waxaa uu hogaamiyey doorashadii 2013dii lagu qabtey Degmada Buurhakaba. Isla wakhtigaas Sayed Ali waxa uu lataliya ka ahaa xafiiska Guddoonka Baarlamaanka dhanka siyaasada iyo Arrimaha Bulshadda

Xuseen Cabdi Aadan
Xuseen Cabdi Aadan , Xubin

Wuxuu shahahaadada MSA, ka qaatay Jaamacada Al–Zaciim (Al–Azhari University), Khartuum – Sudan, isagoo bartay tiknooliyada tacliinta; saanadii 2003dii, ka dib; markuu dalka ku soo laabtay wuxuu Bare sare ka noqday Jaamacadda Muqdisho, sidoo kale, wuxuu ahaa xubin sare oo ka mid ah Maamulka Jaamacadda Kismaayo, isagoo noqday Madaxa Xafiiska Tacliinta ee Jaamacadda intii u dhaxaysay 2006 – 2009kii. Xuseen wuxuu ahaa tababare Madaxbannaan, oo ka ah xubin firfircoon bulshada rayidka ah, wuxuu ka soo shaqeeyay hay’ado samafal oo kala duwan, kuwaasoo dhammaantood ku hawlanaa kobcinta tacliinta dalka. Xuseen intaa ka dib; wuxuu xilal muhiim ah ka qabtay dowladda dhexe ee Soomaaliya, isagoo Agaasime Guud ka noqday Wasaaaradda Arrimaha Gudaha iyo Aminga Qaranka iyo weliba Wasaaradda Aminga Gudaha, wuxuu la–taliye u ahaa Wasiirka Wasaaradda Aminga. Wuxuu madax ka noqday mashaariic iyo hawalo muhiim ah oo ay wasaaradahaasi hayeen. Sida: Mashruuca la–talinta Boliiska (police advisory committee). Haatan Xuseen waa xubin ka mid ah Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaraka

Saciid Xaashi Warsame
Saciid Xaashi Warsame , Xubin

Wuxuu ku dhashay dugsiga hosana ka dhigtay magaalada Galkacyo deedna wuxuu ku barbaaray magaalada xamar oo uu ka dhigtay waxbarashada dugsiga dhexe iyo kan sare. Wuxuu mudo saddex sano ah Jaamacada Bayruut ee dalka Lubnaan ka baranayay kuliyadda qaanuunka. Sidoo kale Saciid Xashi Warsame wuxuu shahaadada Jaamacada heerka labaad. Ka qaatay Jaamacada Loughborough dalka Ingiriiska, isagoo ku takhasusay bangiyada Islaamka iyo maaliyada. Saciid Xaashi Warsame, wuxuu xisaabiye sharciyeysan ka yahay dalka Ingiriiska, wuxuuna ka qeyb qaatay koorsooyin, tababaro iyo seminaaro ku saabsan bangiyada kuwa caadiga ah iyo kuwa Islaamiga ah, xisaabaha iyomaareynta maaliyada kuwaasoo ku qaatay dalalka Ingiriiska, Masar, Syria Jordan, Saltanada Cumaan iyo Imaaraadka. Said Wuxuu xubin ka yahay Machadka Bangiga Islaamka iyo ceymiska ee UK iyo hay’adda xisaabiyayaasha.ee UK Saciid wuxuu muddo ka badan 35 sano horey uga soo shaqeynayey bangiyo (caadi iyo Islaam) , shirkado waaweyn iyo Jaamacado kala duwan oo ku kala yaala dalka Ingiriiska, Sacuudi Careebiya, Cumaan iyo Soomaaliya, isagoo kasoo qabtay xilal sare. Saciid wuxuu ahaa madaxa maaliyada iyo maalgashika ee bangiga Amal, kahor inta uusan ku soo biirin gudiga dooroshooyinka.

 

Maxamed Daahir Maxamuud
Maxamed Daahir Maxamuud , Xubin
Cabdiraxmaan Cismaan Dirir
Cabdiraxmaan Cismaan Dirir,Xubin
Maxamed Xasan Taani
Maxamed Xasan Taani , Xubin

Maxamed Xasan Taani, wuxuu ku dhashey Qabri – dahare Gobolka is maamulka Soomlida ee Ithobiya.Wuxuu dugisga Hoose – dhexe ku qaatey Muqdisho Dugsiga Sheekh Suufi 1962 Ka dib, wuxuu waxbarasho u aadey dcalka Masar,Wuxuuna ka qatay shahaadada Dugsiga Sare 1966 Isla sanadkaas wuxuu qaatey Jaamacada Qaahira, Kulliyada Qaanuunka , Wuxuuna ka soo qalin jebiyhey 1972. Wuxuu shaqada ka bilaabay Maxkamadda Gobolka Bannaadir 1973 Muqdisho Waxaa loo magacaabey Xeer – Ilaaliyaha Guud ee Qaranka 1974 – 1978dii Bishii Febraayo. Waxaa loo magacaabay la – taliye Maxkamadda Sare, ka dibna, waxaa lagu magaacebay ku – xigeenka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare laga bilaabo 1978dii – 1982dii, isagoo iski shaqda uga tagey. Wuxuu ka shaqeeyey Wasaaradda Cadaalada ee Qadar 17 sano qeybta Garyaqaanka guud ee Dowladda Wuxuu ku soo noqday dalka 2013dii waxaana lagu magacaabey la – taliyaha Arrimaha Sharciga ee Wasaaradda Cadaaladda. Ugu dambeyntii wuxuu ku soo biirey Guddiga NIEC 2015.

Khadiija Cali Cosoble
Khadiija Cali Cosoble , Xubin
Maxamed Axmed Nuur
Maxamed Axmed Nuur , Xubin

Please publish modules in offcanvas position.