Siminaar loo qabty qaar kamid ah shaqaalaha Guddiga gaar ahaa qeybta maamulka iyo maaaliyada ayaa wuxuu ka dhacey
Hoolka Shirarka Xalane ee Magaalada Muqdisho.
Siminaarka ayaa ahaa siminaarkii ugu horeeyey oo ay fursad u helaan inay ka faaiideystaan Shaqaalaha Guddiga gaar ahaan qeybta maamulka iyo Maaliyadda
Inta uu socdey siminaarka waxay ka faaiideysteen habka loo maamulo maaliyadda iyo nimaadka loo maro adeegyadda maaliyada iyo Maamulka
Shaqaaluhu waxay qaateen cashiro ku saabsan maamulka iyo maaliyaha kuwaasoo kala ah FACE Form, Direct Payment Form iyo letter for Agreement (LOA)
Siminaarka Waxaa suurageliyey IESG ee uu fududeeyo u ahaa Mr. Yosief Abraha,iyo koox ka socotey isla Hayaddaasi.
Siminaarka maamulka iyo maaliyadda waxay wax badan ka badali doontaa hanaanka shaqo ee Guddiga gaar ahaan qeybaha Maamulka iyo Maaliyadda.

