Tababarka oo socdey mudo laba maalmood ah ayaa waxaa loo qabtey shaqaalaha Guddiga madax banaan ee doorashooyinka Qaranka.
Waxaa tababarka furitaanka ka soo qeybgaley Hussien Cabdi Aadan oo ka mid ah madaxda Guddiga Madaxbanaan Doorashooyinka Qaranka Soomaaliyeed.
Hussien Cabdi Aadan ayaa soo dhaweeyey tababarka, wuxuuna shaqaalaha kula dardaarmey inay wax badan ka kororsadaan ayna ka faaideystaan, wuxuuna kula dardaarmey in muuqaalka web-site-ka Guddigu uu noqdo mid ka run sheega shaqada Guddiga uu u haayo Bulshadiisa lagana heli karo warbixinada ku saabsan doorashooyinka dalka Soomaaliya. tababarka waxaa lagu qaatey macluumaad ku saabsan qaabka loo maamulo loona adeegsado web-site ka waxaana intaas sii dheeraa in casharada ay ku jireyn sida looga hortagi karo waxa walba oo dhanka security kaga yimaada web-site ka.
Mudadii labada maalin ee uu socdey tababarkaani waxaa la oran karaa waxay aheyd mid wax badan dhanka fahamka isticmaalka iyo ku shaqeynta web-site-ka ay ka faaiideysteen shaqaalaha Guddiga.
Fududeeyaha tababarka Marwo Zahro Cabdi Karin Ibrahim kana socotey shirkada SOSTEC oo ah shirkada web-site-kani suurageliyey ayaa intuu socdey tababarka i kula dardaarantay shaqaalaha inay la soo xariiraan hadii ay arkaan waxyaabo dhibaato ku ah jiritaanka web-site-ka.
Gabagabadii tababarka waxay guud ahaan shaqaalaha Guddiga madaxbanaan ee doorashooyinka Qaranka u mahadceliyeen fududeeyaha tababarka Zahra Cabdi kariin sida wanaagsan oo ay u bixisay casharadii ku aadanaa cilimiga Aalada isticmaalka web-site-ka.
Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliyeed oo sanad jirsadey ayaa xafladii Guddiga lagu daah furey Wen-site ka www. NIEC.SO Taariikhdu markey aheyd 27 JUN 2016, waxaana si wadajir ah u daah furey Raisal wasaaraha Dowlada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo wasiirka warfaafinta Dowlada Soomaliya, Maxamed Xayir Maareeye.
Ujeedooyinka ugu waa weynaa ee web-site-ka Guddiga hawada loo geliyey ayaa wuxuu yahay in guud ahaan Soomaalida ku nool dal iyo dibad ahba ay kala socdaan macluumaadka ku saabsan Doorashooyinka

