Tababar ku saabsan Hababka Doorashooyinka iyo waxbarashada Aasaasiga (Civic Education) oo loo qabtey qey kamid ah shaqaalaha Guddiga.

 Waxaa ka furmey  xarunta Guddiga madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka ee Magaalada Muqdisho tababar  ku saabsan Hababka Doorashooyinka  iyo waxbarashada Dadweynaha (Civic Education).

 

Tababarka waxaa uu socdey  Labo cisho, waxaana  lagu bartey  guud ahaan warbixinada ku saabsan hababka doorashooyinka.

Noocyada Doorashooyinka  ee ka  dhaca caalamka waxay u qeybsamaan sedax nooc oo kala ah.  

1. Plurality electoral systems

2. Majority electoral systems

3. Proportional representation.  

Wuxuuna Shaqaalaha Guddigu u sheegay Fududeeyuhu inay isla qaadan doonaan midka ugu haboon ee dalka Soomaaliya laga hirgelin karo maadaama aysan weli ka dhicin doorasho cod iyo qof ah. 

Inta uu socdey tababarka wuxuu ku  tilmaamey Fududeeyuhu   in manaahidka iskuulaadka lagu daro waxbarashada dadweynaha (Civic education)   muhiimna ay  u tahay ardeyda  inay bartaan taariikhda iyo kheyraadka ee uu leeyahay dalkooda.

Shaqaalaha Guddiga qeybta Outreach-ka oo  ka faaideystey tababarka socdey mudada 2 cisho ah ayaa  looga fadhiyo inay wax badan ka badalaan hanaanka shaqo ee  ku aadan doorashooyinka. 

Ujeedada tababarka waxaa uu yahay in shaqaalaha Guddiga laga doonaayo in bulshadu aay gaarsiiyaan wacyigelin ku saabsan  Doorashooyinka.

 

Please publish modules in offcanvas position.