Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Wafdi ka kooban Gudoomiyaha Guddiga Madaxbannaan Doorashaooyinka Qaranka Xubno ka mid ah Guddiga oo kala ah

 Xuseen Cabdi Aadan, Saciid Xaashi Warsame, Maxamed Daahir Xasan iyo Qaar ka mid ah shaqaalaha Guddiga ayaa gaarey magaalada Dhuusamareeb ee dowlad goboleedka Galmudug.
Wafdiga ayaa u jooga magaalada Dhuusamareeb buuxinta mid ka mid ah kuraasta ka banaan galaha shacabka.
Waxaana ku soo dhaweeyey garoonka Dhuusamareeb maamulka Gobolka, dhalinyarada, haweenka iyo waxgaradka ku nool magaalada Dhuusamareeb.
Kulanka soo dhaweynta waftiga Guddiga waxaa hadalo soo dhaweyn ah ka soo jeediyey Gudoomiyaha dagmada Dhuusamareeb Macalin Nuur Cilmi Cabdule wuxuu sheegay in magaalada ammnigeedu in uu wanaagsan yahay, Guddiguna ay ku soo dhawaadaan kuna qabsadaan doorashada kursiga xildhibaannimo waxaa sidoo kale kulanka soo dhaweynta hadalo wax ku ool ah ka soo jeediyey ugaaska wakiilka ka ah ergada lagu wado in maalinimada Axada taariikhduna ay ku beegan tahay 15/04/2018 ay soo doortaan mid ka mid ah kuraasta ka bannaan golaha shacabka degaan doorashadiisuna ay tahay dowlad goboleedka Galmudug.
Ugu dambeyn waxaa sidoo kale ujeedada imaatinka magaalada Dhuusamareeb ee dowlad Goboleedka Galmudug ka hadashey Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan Doorashooyinka Marwo Xaliimo Ismacil Ibrahim, waxayna sheegtey inay u yimaadeen Magaalada Dhuusamareeb inay ku qabtaan doorashada kursiga degaan doorashadiisu ay tahay Galmudug, oo ay ka Heleen codsi Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Geele Ducaale Xaaf waxayna sheegtey in arrimaha qabashada doorashada ay kala hadli doonto maamulka dowlad goboleedka.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegtey in Guddiga doorashada ay masuul ka yihiin qabashada kuraasta ka banaanaato golaha shacabka iyo boosaska madaxtinimada maamul goboleedyada.
Guddiga ayaa horey u soo qabtey sedax kursi ee ka bannaanaa golaha shacabka, kuraastaasi waxay kala ahaayeen, kursiga beesha Xawaadle ee Cali Madaxweyne,deegaan doorashadiisu ahaa dowlad goboleedka Hirshabeele, kursiga beesha Hubeer ee deegaan doorashadiisu ahaa dowlad goboleedka Jubbalanad iyo kursiga beesha Habar Carfaan Gedabiirsi degaan doorashadiisu ahaay Somaliland, laakiin uu ka qabsoomey Magaalada Muqdisho.