Xildhibaan Faatix Siciid Xasan oo la gudoonsiiyey shahaadada xildhibaannimo

28-02-2018 waxaa xarunta Guddiga Madaxbannaan Doorashooyinka Qaranka lagu gudoosiiyey shahaadada xildhibaannimo ee Golaha shacabka, Xildhibaan Faatix Siciid Xasan.
Xildhibaan Faatix Siciid Xasan ayaa 26-02-2018 ku tartamey kursiga xildhibaannimo ee beesha Habar Carfaan/ Gedabuursi, wuxuuna helay 32 cod, halka Cabdiraxmaan Ceynaan oo ahaa musharaxa labaad uu helay 5 cod.4 codna uu noqdey kuwa xumaadey.
Xildhibaan Faatix ayaa ka dib markii la gudoonsiiyey shahaadada xildhibaannimo u bogaadiyey Guddiga Madaxbanaan Doorashooyinka Qaranka oo suurageliyey qabsoomida tartanka doorasho.
sidoo kale Gudoomiyaha Guddiga Madaxbannaan Doorasooyinka Qaranka Xaliimo Ismacil Ibrahim ayaa u rajeysay in Illaah u fududeeyo xilka adag ee loo doortey,uuna noqdo masuul wax tara dalka iyo dadka

2018-03-01T06:33:20+00:00 March 1st, 2018|Warbixinno|