Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Shan xisbi oo la guddoonsiiyey shahaadada ku-meel-gaarka ah ee xisbinimo

Shan xisbi oo la guddoonsiiyey shahaadada ku-meel-gaarka ah ee xisbinimo

11-Juun-2018 Juun xarunta Guddiga Madaxbannaan Doorashooyinka Qaranka (GMDQ ) waxaa shahaadada diiwaan gelinta ku meel gaarka ah lagu guddoonsiiyay 5 xisbi siyaasadeed, xisbiyadaas ayaa kala ah:

▪ Xisbiga Damiirka Soomaalinimada iyo Horumarka
▪ Xisbiga Caddaaladda iyo Badbaadada
▪ Xisbiga Shakhsiyadda iyo Waddaniyadda Soomaaliyeed
▪ Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
▪ Xisbiga Xal-Qaran

Munaasabadda guddoonsiinta xisbiyada waxaa goobjoog ka ahaa madaxda iyo xubnaha guddiga, xubno matalaayay xisbiyada horey loo diiwaan geliyay iyo kuwa hadda la guddoonsiinaayay shahaadada iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera arrimaha doorashooyinka sida IESG.

Furitaanka munasaabada waxaa hadalo soo dhaweyn ah ka soo jeediyey Gudoomiye ku xigeynka Guddiga Sayid Cali Sheekh Maxamed, Sayid Cali ayaa sheegay in munaasabadaani ay tahay munaasabad lagu gudoonsiinaayo shahaadada KMG ee xisbinnimo 5 xisbi siyaasadeed oo ka soo gudbey sharuudihii laga rabey, xisbiyadana laga doonaayo inay si rasmi ah u shaqeeyaan, isla markaana la qiimeyn doono xisbi walbo sida uu ugu soo baxo waajibaadkiisa iyo ilaalinta Dimuqradiyada.
Dhanka xisbiyada waxaa u hadley Gudoomiyaha Xisbiga jamhuuriga Cali Maxamed Timajilac iyo Gudoomiyaha XIisbiga Midnimada Dimuqradiyada Salad Cali Jeele, labaduba waxay hore u qaateen shahaadada KMG waxayna soo dhaweeyeen shahaado gudoonsiinta shanta xisbi siyaasadeed, waxayna iskula dardaarmeen inay wada shaqeyn dhab ah la yimaadaan.

Sidoo kale Gudoomiyaha Xisbiga Xal -Qaran oo la gudoonsiiyey Shahaadada KMG Maxamed Macalin ayaa sheegay inay dhib badan iyo dadaal badan u soo mareen is diiwaan gelinta aadna ugu faraxsanyihiin in ay maanta hantiyeen shahaadada KMG ee xisbinimo.

Ku samaha agaasimaha xafiiska diiwaangelinta xisbiyada Maxamed Maxamud Xasan (Sandheere) ayaa sheegay in xisbi walbo ay leeyihiin xaquuq iyo mudnaan, wuxuuna ku dheeraadey caqabadaha uu kala kulmo waqtiyada la diiwaangelinaayo xisbi walbo, balse looga fadhiyo sida ay u ilaaliyaan Dimuqradiyadda iyo dhexdhexaadnimadda

Ugu dambeyntii waxaa munaasabada hadalo xeritaan iyo dardaaran ah ka soo jeedisey Gudoomiyaha Guddiga Madaxbannaan Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismacil Ibrahim, Xalimo Yarey. Waxay sheegtey guddoomiye Xaliimo in xisbi walboo qaatey shahaadada KMG la soo kormeeri doono xafiisyada ay u shaqeeyaan, iyadoo arrimahaas ka hadleysana waxay tiri,” ma dooneyno xisbi aan nidaamsaneyn, hadii aynu aqbalno nidaam darradda berri dalka waxaa xukumi doono xisbi aan nidaamka aqoonin.

Shanta xisbi ee maanta la gudoonsiiyey shahaadada KMG ayaa ku biiri doono toban xisbi oo horey si gooni gooni ah loo gudoonsiiyey shahaadada KMG.