Kulan wadatashi oo ka qabsoomey Magaalada Wallaweyn

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) ayaa kulamadii wadatashi uu ka waday dalka oo dhan maanta oo ay taariikhdu tahay 13/02/2018 ka qabtay magaalada W/weyn oo ka tirsan Gobalka Shabellaha Hoose, ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Wafidagan waxaa hogaaminayey guddoomiye ku xigeenka GMDQ M/ne, Sayid Ali Sheik Mohamed waxaana ku wehliyey safarka xubno ka irsan guddiga iyo shaqaalhaiisa. Waxay wafdigu qaabileen odayaasha dhaqanka, dhalinyarada aqoonyahanka, haweenka iyo waxgaradka magaalada Wanlaweyn. Waxayna is dhaafsadeen su;aalo iyi jawaabo muhiim ah iyo talooyin wax ku ool u ah doorashada qof iyo cod ee 2020. Kulankaan waxaa goobjoog ahaa si rasmi ahna u daahfuray guddoomiyaha degmada Wallanweyn Mudane Maxamad Siidow.

2018-02-13T20:16:59+00:00 February 13th, 2018|Warbixinno|